Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye ayaa furay shirka qorshe-sannadeedka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee sannadkan 2020.
Shirkan oo lagu qabtay hudheelka Kaah ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyayaasha waxbarashada ee heer gobol, agaasime waaxeedyada, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Md.Daa’uud Axmed Faarax iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Abokor Maxamed.
Shirkan, oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa lagu lafaguri doonaa qorshayaasha waxqabad ee sannadkan 2020-ka.