Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo uu wehelinyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa ka qayb galay Shirka Wadaagaha Waxbarashada oo bishiiba hal mar ka qabsooma xarunta Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo uu wehelinyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa ka qayb galay Shirka Wadaagaha Waxbarashada oo bishiiba hal mar ka qabsooma xarunta Waxbarashada.

kulanka oo ay ka soo qayb galeen Maayirada degmooyinka sida tooska ah ula wareegay Waxbarashada aasaasiga ee Berbera, Gabiley iyo Hargeisa, qaar ka mid ah hay’adaha qaramada midoobay, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska.

Gudoomiyayaasha golayaasha deegaanka ayaa intii kulanku socday waxay warbixin ka jeediyey shirka wadaagaha Waxbarashada halkaas oo ay ku soo bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ee ay sida tooska ah gacanta ugu hayeen maamulkooda iyo maalgelintooda.

Gudoomiyayaasha golayaasha deegaanka ayaa xusay in ay dhiseen dugsiyo cusub, kordhinta fasalo cusub, dayactirka dugsiyada aasaasiga ah, qalabaynta fasalada iyo bixinta mushaharka macalimiinta iyo shaqaalaha xafiisyada Waxbarashada ee degmooyinka.

Intii shirku socday Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo bahda wadaagaha Waxbarashada ayaa bogaadiyey gudoomiyayaasha golayaasha deegaanka sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qayb qaataan horumarinta Waxbarashada Aasaasiga ah.

Waxaanay Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu tilmaameen in kaalintooda ka qaadan doonaan horumarinta Dugsiyada aas aasiga ah islamrkaana ay xoojin doonaan wada shaqaynta masuuliyiinta wasaaradda iyo Dawladaha Hoose ee hawshaasi gacanta ku haya.