Wasiirka Waxbarashada Somaliland ayaa la kulmay dhiggiisa Kiiniya

Wasiirka Waxbarashada JSL Md. Axmed Maxamed Diiriye “Toorno”ย  ayaa maanta la kulmayย  kulmay Wasiirka Waxbarashada Kenya Prof. George Albert Magoha. Sidaa waxaa boggiisa Facebook ku daabacay Maxamed Saleebaan oo ah Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xidhiidhka waxbarasho ee labada dal, iyada oo ay kulankaas ku wehelinayeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Kenya, Safiir-Xigeenka Somaliland ee Kenya Sharmaarka Muxumed Geelle, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Sayniska ee Somalilandย  Axmed Abokor, Agaasimaha Maamulka ee WW&S JSL, Lataliye Said Jama iyo Safiir-Kuxigeenka JSL ee Kenya Sharmake Geelle.

Waa markii ugu horraysay ee Wasiir Waxbarasho oo JSL ahi la kulmo dhiggiisa Kenya.

Wefti ka socda Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Kenya, kuwaas oo Nairobi u jooga dardargelinta xidhiidhada waxbarashada.