Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse oo noqday beeroole

Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa dib u bilaabay beerista beertiisii uu hore u lahaa kadib markii muddo-lixeedkiisii wasiirnimo uu la dhammaaday Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Shucayb Maxamed Muuse ayaa sheegay in maadaama uu gobolka beeraha caanka ku ah ee Gabiley ka soo jeedo ay beeruhu mar walba noloshiisa ka mid ahaayeen, hase ahaatee uu hadda u soo gacan banaanaaday kadib  markii uu ka degay xilkii qaranka.

Wasiirku wuxu sheegay in uu dadweynaha ku dhiirigelinayo sidii ay ula soo bixi lahaayeen cuntada waddaniga ah una yarayn lahaayeen cuntooyinka dibadaha laga soo waarido.

Hoos ka daawo warbixin muuqaal ah oo uu diyaariyey Ayaanle Xaaji.