Dhowr dacwadood oo ka dhan ah madaxweynaha Maraykanka Donald Tump ayaa loo gudbiyey maxkamaddaha dalka Maraykanka wax ka yar laba toddobaad markii xilka Madaxweynimo loo caleemo saarey.
Inta badan dacwadahan ayaa la xidhiidha amarka Trump ee ka mamnuuca 7 waddan in ay soo galaan Maraykanka kuwaasi oo u badan Muslimiin.
Waxaa amarka uu si gara ah u mamnuucayaa in ay dalkan soo galaan dadka u dhashay toddoba waddan kuwaas oo kala ah Iraq, Iran, Syria, Somalia, Sudan, Liibiya iyo Yemen.
Trump ayaa waxa ku bilaabmay kacdoona aad u xoogan kuwaasi oo uu isaga kiciyey kadib talaabooyin saameyn ku leh bulshada sameeyey.