Waxa magaalada Oodweyne la hirgaliyey Naadiga akhriska qoraalka iyo dhaqanka ee Cali Sugule Duncarbeed

 

Xarunta Gobolka daadmadheedh ee magalada Oodweyne, ayaa waxaa laga hirgaliyey Xarunta akhriska, qoraalka iyo dhaqanka ee Cali Sugule dun carbeed. oo noqon doonta xarunta kaydinta maclumaadka Soyaaleed ee Gobolkaasi daadmadheedh.

Waxaana Munasiibad ay ilyartu is qabatay oo kulmisay Wasiiro,Agaasimayaal,wasiiru dawleedyo, XIldhibaano ka socday aqalka baarlamaanka, madaxda gobolka daadmadheedh, heer gobol iyo heer degmo, XUbno ka socday ururka akhriska iyo qoraalka ee magalada burco ee halkaraan. ayaa ka qabsoontay hoolka shirarka ee dawlada hoose ee degmada oodweyne.

Baahida weyn ee gobolka daadmadheedh u qabay hirgalinta Xarun noocan oo kale ah ayaa waxaa aad ka dareemaysaa Madax iyo Shicibba sida ay ugu heelanyihiin, sidii u u socon lahaa Naadiga akhriska, qoraalka iyo dhaqanka ee cali sugule dun carbeed.
Waxaana Halkaasi Ay ku kafala qaadeen Madax iyo Maamulba, Adeeg kasta oo u baahanyahay Naadigani. Kuwaasi oo sidoo kalena usoo bandhigay cid kasta oo ka qayb qaadan karta socodsinta Naadigani Bud-dhiga u noqon doona Kaydinta Taarikhaha soo jireenka ah ee Gobolka daadmadheedh.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com