Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay dhacdo shalay Kooxda hubaysani ay magaalada Burco kaga dhaceen Gaadhi ay leedahay Wakaalada Biyaha.Burco
Maxamed Khadar Daahir ayaa tilmaamay in shacabka Somaliland uu ka raaligelinayo gaadhigii kooxda hubayaysani ay ka soo kaxaysteen Magaalada Burco.waaxaanu intaa ku daray in ay jiraan dad aan jeclayn nabadda.
Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi”Waxaan shacabka Somaliland guud ahaan ka raaligelinayaa in manta (shalay) gaadhi labaad la dhaco,iyada oo nimankaa jabhada ah gaadhi ay dhaceen Maalin dhawayd oo aanu dib usoo celinay.waa mid nasiib darro ah in gaadhi labaad ay dhacaan,waxaanan leenahay shacabka Somaliland arintaa laguma wada socdo.annaga ayaa isku noqonayna oo isku caqlicelinayna waanan qabanaynaa marka ay qaldan yihiin waana in sida caqliga loo shaqeeyo waana in laga dhawrsanaado qadiyad kasta oo nabada dhaawacaysa qof kasta oo xasilinta nabadda ka soo horjeesta waynu iska qabanaynaa,wax la soo dhaweeyana maaha.waxa jira dad aan jeclayn nabadda gaadhigana waa in ay iskaceliyaan oo odayaasha ku wareejiyaan raalina kama nihin arintaas,”.