Waxbarashada dalalka soo koraya waxa loogu deeqay dhaqaale ka badan 2.3 bilyan oo doolar ah

 

Hoggaamiyayaasha caalamka ee ka qeybqaadanaya shir caalami ah oo ka soconaya waddanka Senegal ayaa waxa ay ku deeqeen in ka badan 2.3 bilyan oo doolar si sare loogu qaado dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada dalalka soo koraya.

Dadka soo qabanqaabiyay shirkaasi ayaa waxa ay sheegeen in kharashkaasi ay ku deeqeen waddammada deeqda bixiya uu yahay mid aad u sarreeya marka la barbar dhigo deeqaha saddexdii sanno oo uu dambeeyey lagu bixiyey waxbarashada oo gaadhayey 1.3 bilyan doolar.

Dalalka soo koraya ayaa laf ahaantooda waxa ay ballan qaadeen in ay kordhin doonaan lacagta ay ku bixiyaan waxbarashada.

Deeqaha ugu badan ee lagu deeqayna waxa ku yaboohay Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Norway.

Madaxa hay’adda caalamiga ah ee shirkaasi soo qabanqaabisay Alice Albright ayaa sheegtay in taageerada aan caadiga ahayn ay ka dhigan tahay in dhaqaalaha lagu caawin doono ku dhawaad sagaashan dal oo caalamka ku yaal.

bandhige@gmail.com