Weerarkii London: Tirada dadka ku naf waayey waa 9 qof oo ay ku jiraan 3-dii weerarka gaystay, 48 qofna waa dhaawac

 

Weerarkii argagaxa lahaa ee goor dambe oo xalay ahayd lagu ekeeyey London ayaa ugu dambayntii la xaqiijiyey in tirada dadka lagu dilay ay yihiin 6 qof halka uu booliskuna dilay 3 qof oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday. Sidoo kale waxa ku dhaawacmay 48 qof.

Sidaa waxa xaqiijiyey Mark Rowley oo ah ย ku-xigeenka booliiska qaabilsan hawl-gallada gaarka ah ee London.

Weerarka ayaa markii ugu horaysay ka dhacay Biriishka London halkaas oo gaadhi weyn oo cad uu si kas ah ugu jiidhay dadkii biriishka marayey. Kadib ninkii gaadhiga watay wuu baxsaday waxaana bilaabantay in la tooriyeeyo dadk makhaayad ku cawaynayey oo ku taalla suuqa biriishka u dhaw ee la yidhaa Borough Market. Dadka la tooriyeeyey waxa ka mid ah sarkaal booliis ah oo qaabilsan amniga gaadiidka London.

Booliska London ayaa tibaaxay in raggii weerarka soo qaaday lagu toogtay muddo 8 daqiiqo gudaheedka ah markii ay boolisku heleen telefoonkii koowaad ee qaylo-dhaanta ahaa.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalmo uun ka hor wakhtiga ay qabsoomayso doorashada Ingiriisku iyo laba toddobaad kadib markii 22 qof lagu dilay weerarkii Manchester ee isaga lagu sheegay in uu ahaa mid argagixiso.

Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa weerarkan ku tilmaantay mid aad u xun waxayna sheegtay. Waxayna sheegtay in waaxda ka-hor-tagga argagixisada ee booliska London ay gacanta ku hayaan baadhitaannada la xidhiidha weerarkan si ay u eegaan in cid kale oo ku lug lahayd ay jirto iyo sidoo kale si ay u fashiliyaan haddii uu jiro weerar kale oo soo fool lihi.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee wararka

Bandhige@gmail.com