Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne-xigeenku ayaa safar shaqo ugu baxay Imaaraadka

 

Wafti uu hoggaaminaayo Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai. Waxa safarka ku wehelinaya wasiirrada Arrimaha Dibedda, Duulista, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Gaashaandhigga, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Wasiir-xigeennada Madaxtooyada iyo Maaliyadda.  Sidaa waxa lagu sheegay war kooban oo baraqadan maanta ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Madaxtooyada.

Madaxweyne-xigeen Saylici oo ka hadlay ujeeddada safarkaas ayaa ku sheegay mid Shaqo oo ay dhawar casho ku joogi doonaan Dubai, isaga oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi:- “ maanta oo ay bishu tahay 15/03/2017 maalin Arbaca ah, Ilaahay ayaa mahad leh waxaanu u baxaynaa aniga iyo waftigan aad arkaysaan, oo wafti aad u balaadhan ah, waxaanu u baxaynaa shaqo qaran, oo aan u socono Dalka isu taga Imaaraadka Carabta, oo aanu Insha Allah ku maqnaan doono mudo kooban, oo ku soo fulindoono hawal qaran.

Waftigan oo ah mid miisan weyn ayaa la filayaa in ay dardargalin doonaan Mashaariicda ay dhawaan ugu balan qaaday Dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabtu Somaliland, iyo sidoo kale sii xoojinta xidhiidhka saaxibtinimo ee ka dhexeeya labada Dal iyo adkaynta Nabad Galyada.