Wefti uu hoggaaminayo Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani oo ka qayb-qaadanaya gurmadka abaaraha ayaa waxay xalay gaadheen Burco

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga Waddan ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ujeedkiisu daaran yahay ka qeyb-qaadashada gurmadka Abaaraha ee saameeyey deegaanada bariga Somaliland, ayaa xalay fiidkii gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Weftigan oo ay Guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen siyaasiyiin miisaan culus oo iskugu jira hoggaanada,guddida fulinta iyo xildhibbaano ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Burco, waxa ku soo dhaweeyey Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan iyo weli ba sida oo kale madaxdhaqameed iyo haldoor tira badan oo ku qaabilay hotel Plaza ee magaalada BurcO, ku waasi oo si diiran u soo dhaweeyey isla mar ahaantaana sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Xisbiga Waddani uu horseed u yahay ka qeyb-qaadashada gurmadka abaaraha ee loo fidinaayo dadka tabaaleysan ee dad iyo duunayaba ay abaarahu saameeyeen.

Dr. Cadiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigan uu hoggaaminaayo, ayaa ujeedka socdaalkoodu daaran yahay siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen gurmadka Abaaraha ka jira deegaanada bariga iyada oo maalmaha soo socdana ay gaadhsiin doonaan deeqo biyood iyo weli ba wixii taakuleyn ah ee kaga aadan in Xisbiga Waddani uu kaga qeyb-qaato Abaarahaasi.

Ugu dambeyntii na weftigan ka socda Xisbiga Waddani ee uu hoggaaminaayo Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa noqonayaa weftigii ugu horreeyey ee intii abaarahu ka taagnaayeen deegaanada bariga u soo biyeystay ka qeyb-qaadashada gurmadka Abaaraha iyo weli ba sida oo kale ku wacyi-galin dawlad iyo shacabba in wax la soo taro dadka abaarahaasi saameeyeen.

bandhige@gmail.com