Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshayntu waxay socdaal indho-indhayn ah ku soo mareen deegaanada hoos yimaada Salaxley iyo Baligubadle

 

Wetfi balaadhan oo uu horkacayey wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-tire, oo ay ku weheliyeen Dr. Adna Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan ha’ayada Hadiya Medical Swes.

Ujeedada guud ee socdaalka waftigani ayaa daaranaa indho-indhaynta dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen ee ku sugan deegaanadaasi oo qaarkood xanuuna la daalaa dhacayaan.

Ugu horayn watfigu waxa uu gaadhay deegaanka Gumburaha halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne tiro badan oo luxaya caleemo qoyan iyagoona gaadhsiiyeen booyado biyaha.

Waxaana waftiga halkaasi ugu horayn uga warbixiyey deeganka Gumburaha maaamulka iyo agaasimayaasha waaxa caafimaadka, waxayna weftiga u sheegeen in xaalada caafimaad ee ay dadkani la tacaalayaan, ugana mahad celiyeen deeqda biyaha ah ee lasoo gaadheen.

Geestooda dr adna aadan,masuul ka socday ha’yada Hadiya Medical Swes iyo wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland oo waftigani hoggaaminayey oo la hadlay shacabka ku dhaqan deegaanka gumburaha  waxayna uga mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen, iyagoona u balan qaaday in ay gurmad kan ka badan soo gaadhsiin doonaan.

Intaasi kadib weftigu waxay sii anbo qaadeen safarkooda indho-indhaynta ah, iyagoona u sii jeestay dhinacaasi iyo deegaanka Bali-gubadle, halkaasi oo sidoo kale waftiga si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Indha iindheeyna ku maray  xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo dadkii cudurada ku sababtay abaartu.

maamulka deegaanka bali gubadle iyo laamaha caafimaadka ayaa ugu horaynba waftiga u sharaxay xaalada caafimaad ee deegankani bali gubadle,waxayna ka xog warameen sida roobabku uga da’een,xanuunada iyo baahiyaha deegaankaasi ka jira.

wasiirka qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-tire iyo waftiga uu hoggaaminayeyna ka dareen celiyeen marxalada ay indhooda ku arkeen.

Weftigu waxa kale oo ay gaadheen degmada Salaxalay oo ay soo indha-indhaynayeen dadka ay abaartu saamaynta ku keentay iyagoona booqasho ku tagay xarumaha caafimaad ee salaxlay halkaasina waxa warbixin uga jeediyey maamulka degmada Salaxley.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-tire oo isna la hadlay maamulka iyo dadka ku dhaqan  deegaanka Salaxley waxa uu ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey isagoona shacabka ugu balan qaaday in ay gurmad xukuumaddu gaadhsiin doonto.

bandhige@gmail.com