Wefti uu horkacayo Maayirka Ceerigaabo waxay booqdeen xarunta dhaqanka Hargeysa

Wefti uu hor kacayo Mayaarka Sanaag Ismaaciil Xaaji Nuur, xilhibaanada golaha ย deegaanka ee ceerigaabo, urur waynaha haweenka ee gobolka sanaag ayaa ย booqasho gaaban ku yimid xarunta dhaqanka ee Hargeysa kuwaasi oo indho indhaynayey qaabka ay u shaqayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysi.

Sidoo kale weftigu waxay u socdeen in ay ka qayb qaataan dhisme loo samaynayo dhallinyarada gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo halkaas oo la doonayo in loogu sameeyo xarun ay wax ku akhristaan sidoo kale ay dhallinyardu ku kulanto.

Maayarka Ceerigaabo oo ka hadlaya ย ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashadan xarunta dhaqanka ee Haregeysa, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œAad baan u soo dhaweynaynaa in la helo goob ay dhalinyarada gobolku wax ku akhristaan sidoo kale ku kulmaan si looga hortago dib u dhacyada tirade badan ee gobolka ka jira ee ay ugu wayn tahay qabyaalada iyo godoonka uu gobolku kaga jiro dalka intiisa kale.โ€

Sidoo kaleย  xildhibaan ka tirsan gobolka Sanaag ย ย ayaa sheegtay in ay baraarug wanaagsan tahay oo xiligiisii ku soo beegmay in dhallinyarada loo helo goob ay wax ku akhristaan si ay aqoontooda u dhisaan oo ay uuga qayb qaataan horumarka dalka.

Gabagabadii kulankaasina waxa goobta ka hadlay Xildhibaan Cartan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, Siciid Jamac Xuseen oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland iyo Caydaruus Maxamuud Sange oo ka mid ah dhallinyarada Gobolka Sanaag waxaanay dhammaantood xuseen baahida ka jirta Gobolka Sanaag iyo xaruntani muhiimada ay leedahay.

bandhige@gmail.com