Wefti Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE katirsan oo muddo waddanka debaddiis ku maqnaa ayaa waxa lagu soo dhoweeyey Hargeysa

 

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre, isla markaana ay xubno ka ahaayeen Xogyaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha KULMIYE ee dalka Sweden Fu’aad Kaamil Ciise, wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays iyo xubno kale, ayaa maanta lagu dhaweeyey madaarka magaalada Hargeysa.

Waftigan oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalalka waqooyiga yurub ee ay kamid yihiin Sweden, Finland, Holland, Norway, Germany iyo Denmark, ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyey, wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal guud iyo saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE, waxana halkaas laga jeediyey kelmado kooban oo xubnaha waftiga lagu soo dhaweynayey.

Xubnaha waftiga, ayaa si kooban uga warramay socdaal muddo qaatay oo ay dalalka kusoo mareen, iyaga oo si weyn ugu mahadnaqay hoggaanka laamaha KULMIYE ku leeyahay dalalka ay soo mareen oo ay sheegeen inay abaabul weyn ugu jireen sidii uu xisbigu ugu guulaysan lahaa doorashooyinka soo socda.
Ugu horrayn xubno xukuumadda ka tirsan oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Warshahada Somaliland Shucayb Maxamed Muuse iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cilmi Aadan(ilkacase) oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey sida ay masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga ka tirsani u dardargeliyeen hawlwadeennada xisbiga ee dalalka ay soo mareen.

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Axmed Faarax Cadarre oo waftigan hoggaaminayey, ayaa si kooban uga warbixiyey socdoolkoodii dibadda, waxana uu sheegay in safarkoodu daarranaa wacyigelinta taageerayaasha xisbiga iyo kuwa guud ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee qurbaha ku nool oo arrimo qaranimada ku saabsan lagala hadlay, isla markaana hawlo badani usoo qabsoomeen.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna faahfaahiyey ujeeddada safarkoodu daarranaa, isaga oo u m

ahadnaqay masuuliyiinta xibsiga KULMIYE ee laamaha dalalka ay soo mareen, waxana uu yidhi:

“Muddo saddex Toddobaad iyo dheeraad ah baanu socdaallo ku maraynay qaar kamid ah dalalka Yurub, waxana aanu u soconay hawlo badan oo mid xisbi iyo mid dawli ahba isugu jira maadaama ay doorashadii soo dhawdahayna waxanu u hawlgalay sidii laamaha xisbiga ee dibadaha loo guubaabin lahaa, waxana aanu aad uga mahadnaqaynaa dhammaanba laamaha dalalkii aanu tagnay ee xisbiga KULMIYE oo si weyn noosoo dhaweeyey, hawlo andanna aanu wada qabanay, una diyaarsanaa hawlaha xisbiga.”

 

bandhige@gmail.com