Weftigii Jabuuti oo si wacan loo sagootiyey markii ay dhoofayeen maanta, shir-saxaafadeed ayay labada dhinac wadajir u qabteen

 

Xukuumadda Somaliland ayaa si wacan maddaarka ku sii sagootisay weftigii reer Jabuuti ee maalmahan Somaliland joogay ee ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda Jabuuti.

Shir-saxaafadeed kooban oo uu maddaarka ku qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti waxay tibaaxeen in booqashadii weftiga Jabuuti ay guul ku dhamaatay, labada dhinacna isla garteen in ay xoojiyaan booqashooyinka iyo ka wada shaqaynta amniga.

“Waad ku mahadsan tihiin sida sharafta  leh ee aad noo soo dhawayseen. Waxad naga dhigteen sidii oo aan Jabuuti joogno” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti.

Hoos ka daawo shir-saxaafadeedka madaxda labada xukuumadood: