Taariikhda reer guuraanimada ayaa sababtay in uu fadhiisan waayoo qoraalkeena taariikhiiga ahi (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Dadka reer guuraaga ah waxaay leeyihiin dhaliilo badan oo aay ka midtahay colaada iyo dagaalada aan dhamaad lahaayn, tariikh aan salfadhiyin oo guur-guurta iyo jeclaaysiga amaanta cidkasta u haraad qabto/sheegashada libinta taariikhdii tagtay, maaha oo kali ah dadka Somaalida ee dhamaan dadka wixii reer guuraa ahi waa caado aay ka simanyihiin.

Taariikhda Somaalida guud ahaan ee buugta laga qoray waxaad ku arkaysaa rali galin cid iyo ka cadhaaysiin cid kale, waxaana sal u ah qorista taarikhdeenu waxa weeyaan yaan laga badsan wixii tagay, waxaan akhriyay ugu yaraan todobo buug oo siyaasiyiin Somaaliyeed oo kala duwan qoreen oo dhamaantood dhinac ka raranyihiin, markaad cadaalad iyo run raadinayso kuma raali galin karaan buugtaasi, waadna ku jaahwareeraysa akhriskiisa iyo fahankiisa labadaba, inkastoo aaynu nahay dhalinyaro hadana markaad aragto sidaay dood ahaan isaga soo horjeedaan buugtaasi waxaad garan kartaa in laaysu jawaabayo oo kali ah oo xaalku yahay yaan lagaa badin.

Siyaasi buug taariikh ah qoray hadaad akhrido inta badan waxaad arkaysaa in buuga laftigiisu siyaasad dhaqan qaaybeed ku jirto, kamana madhna siyaasiga doorkiisa ismuujin waliba teenu waxaa jira ibtilo kale oo aaynu dunida dheernahay.

Waxaanse isleeyahay taariikhda qoeristeeda nooceey doonto ha ahaatee waxaay ku wanaagsantahay dadka qalinka kaligiis la saxiibka ah ee aan ku milmin siyaasadaha badan kana dhex-dhexaad noqon kara duruufta nooceey doonto ha ahaatee.Cid gaar ah uma jeedo waasoo jeedin guud.

Xasan Cabdi Shir