“Ilaahay waan u sheegi doona wax walba”(WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Saddex jir reer Xalab ah ayuu ahaa ilmahaa yari, naftaa sii haysa wuxuna ogsoon yahay in uu la kulmi doono Rabbigii markii hore ba abuurtay. cid aan Alle ahayn uma ashtakoonayo, oo wakaa dacwaddiisi leh Rabbigay kolkaan la kulmo wax walba waan u sheegaya.

Xamse Cumar Kujoog ayaan barqadii shalay ku arkay khaanaddiisa Faysbuugga qoraalka ilmahaa. Waxa ii xigay sawirka ilmahaa yar oo aanan kala garanayn in uu yahay sawirkiisi runta ahaa iyo in kale oo qoraalkani ku xardhanyahay.

Xalay ayaan erayga ilmahaa ka seexan waayey, waxa aan is waydiiyey talow ilmahaa yari Ilaahay SWT muxuu u sheegi doona?.

Waxa aan maleeyey in uu odhan doono, isaga oo Rabbi SWT ka xogogaalsan kana war hayn og haddana uu ka dhagaysan doono ashtakadiisa:

“Allow xadgudbihii Bashaar dadkayagii gumaad, da’ aan u waynahay curdin-dhaabi, da’dii ku xigtay laamiyada wadh, da’walba laa, daarihii dumi, daaqi dab qabadsii, warshahadayagii iyo aqoontayadii cidhibtir, intayadii wax taqaanay god ku hubsay, magaaladayadii Xalab mar bay magaalooyinkii jiri jiray ahayd ka dhig.”

Ashtakadu intaa ahaan mayse waxa aan is leeyahay wuxu sii raacin doonaa:

“Allahayoow Islaamkii walaalaha lagu ahaa baadi goobnay, meel u jaan dhigay waynay, diintii midka lagu ahaa la noogu hiilin waa, jidh kaliyaa la yahoo mid haddii la daaro idil ahaan waa la damqadaadii la noogu damqan waa.”

Wuxu ku sii darayaa sidaan is leeyahay:

“Sunni baa wax la isugu taraadii beenowday, Allahayoow Sucuudigii doobinayey, Baakistaantii hubka sheeganaysay, Turkigii ciidamada ku faanayey iyo dalalkii Islaamka xoogan ahaa, sheeday naga daawanayeeno ducaan idin raacinay lahayeen, waxse noo tari waa”

“Allahayoow dunidaan ka imi, nin qooqan baa taliya, mid gurracan baa amar taagleeya, damiir xumiyo diin laawiyo mid gaal rabaystoo dunidii xaaqay baa joogay. Intii qumanayd intii qaaya lahayd meel qalalan bay taagnayeen.”

Waxa Qoray: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub