Obama waxa uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Ruushka

Madaxweyanaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa wacad ku maray in uu tallaabo adag ka qaadi doono Ruushka oo lagu eedeeyay in uu faragelin ku sameeyay ololihii doorashadii madaxtinnimada Maraykanka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

Waxaa loo baahanyahay in aan tallaabo qaadno, waana qaadi doonaa.’

Maraykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu u jabsaday E-mailada xisbiga Dimuqraadiga iyo mid kamid ah shaqaalaha aad ugu dhaw Hillary Clinton. Moscow ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi.

Madaxweynaha la doortay ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa sidoo kale eedeymahaaasi ku gacan saydhay waxaanu ku tilmaamay kuwo “macno-darro ah” dano siyaasadeedna laga leeyahay.

Hay’adaha sirdoonka ayaa sheegay in ay hayaan cadeeymo muujinaya in kuwa u jabsaday interneetka Dimuqraadiga la tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin xukumadda Moscow.

Maalintii Khamiista ayaa nin u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku lug lahaa weerarada dhanka Internet-ka ee lagu soo qaaday ololaha doorashada Maraykanka.

Saacado ka dib, Obama ayaa yidhi;

“Waxay ila tahay in uusan shaki ku jirin marka dowlad shisheeye ay isku daydo in ay soo farageliso hanaanka doorashadeena, in loo bahan yahay in aan tallaabo qaadno waanna qaadi doonaa, marka la gaadho wakhtiga iyo goobta munaasibka ah.”

Obama ayaa sidoo kale sheegay in Putin uu ogyahay sida uu dareemayo madaama ay arrintan uga wada hadleen si toos ah.

bandhige@gmail.com