Shir dib loogu eegayey xeerka qabyo qoryaalka shirkadaha ganacsiga

Shirkan oo mudo laba cisho ah ka socday Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa shalay  oo Khamiistii si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyey.  Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudida Dhalaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa muddadii labada cisho ahayd ee uu socday waxa dib u eegis lagu sameeyey Xeerka Qabyo Qoraalka Shirkadaha Ganacsi. Kaasi oo ay si mug leh uga qayb qaateen Shirkada Ganacsiga, bulshada rayidka, xeer- ilaalinta iyo Wasaarada Ganacsiga ee Somaliland.

Xubnaha matalayay waxa uu xeerku khuseeyo ee labada cisho ka qayb qaadanayey dib-u-eegistiisa ayaa fikiro kala duwan ka bixiyey kadib markii ay soo akhriyeen kana baaraan dageen hanaanka uu xeerku u yaalo, wixii wax ka badal iyo kaabis u baahan iyo muhiimada ay leedahay iyada oo Guddidu ay  ku dabiqi doonaan wixii ka soo baxay shirkaasi ka dib na la hor geyn doona Golaha Wakiilada Somaliland si ay uga doodaan.

Godoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cumar Sanweyne oo si rasmiya u soo xidhay shirkaasi ayaa sheegay, isaga oo ka hadlaya xafladii xidhitaanka na waxa uu yidhi:

“Annagu guddi ahaan waanu soo eegnay xeerka kadibna idinkaanu idiin keenay oo aanu ra’yigiinii urursanaynaa, hadana La taliyeyaal baanu u qaybinaynaa yaqaana sharciga iyo xeerarka, intaa ka dib ayaanu Golaha Gaynayanaa. Goluhuna wuu ka doodayaa”

bandhige@gmail.com