Weftigii uu hoggaaminayey musharaxa Waddani waxa lagu soo dhaweeyey Berbera

 

Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaamadda hoos yimaadda Gobolka SAAXIL.

Waftiggan oo ka kasoo kicitimay subixii hore ee Saaka Magaaladda Burco oo ay maalmihii ugu danbeeyay hawlo shaqo u joogeen,ayaa waxa soo dhaweyn aan hore loo arag looggu sameeyay deegaamo badan oo hoos-yimadda Degmooyinka SHEEKH iyo BERBERA.

Dhoolatuskii ugu layaabka badnaa,ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Caasimadda u ah Gobolka Saaxil ee Berbera,taas oo wafdigga ay wajiyo farxad leh ku qaabileen Kummaan reer Berbera ah oo si weyn ula-dhacsanaa Siyaasadda Tudhaalaha leh ee Musharax Cabdiraxmaan-cirro ee taabanaya baahiyahooda Nolosha oo ay aad uga cabanayaan.

Shacabka,ayaa Wafdiga kazoo galbiyay Kaantaroolka Berri ee Berbera,iyagga oo kusoo wareejiyay waddooyinka waaweyn ee Magaaladdaasi,iyadda o gabo-gabaddiina ay iskugu soo biyo-shubteen Hoteel Maansoor Berbera.

bandhige@gmail.com