Wiil uu dhalay Madaxweyne Cigaal oo Hargeysa ku geeriyooday, Madaxweyne-Xigeenka oo tacsiyeeyey

 

Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wiilka ugu yar carruurtii uu ka tagay madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa Jimcihii ku geeriyooday Hargeysa.

Ibraahim ayaa in door ah ku nolaa magaalada Hargeysa iyadoo qoyska Madaxweyne Cigaal ay intooda badani ku nool yihiin Abu Dabay.

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa maanta tacsi u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim.

War-saxaafadeedka Madaxweyne-Xigeenka oo dhammaystiran wuxu u dhigan yahay sida tan:

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweyne Somaliland, wuxu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay ALLA ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wiilkii ugu yara caruurtii uu dhalay Madaxweynihii geeriyooday ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xalay (07.10.2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu si gaara u tacsiyadaynayaa qoyska reer Xaaji Ibraahim Cigaal.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.