Wiil uu dhalay Madaxweynihii ee Liibiya Qadaafi ayaa jeelka laga sii daayey

 

Wilka ugu yar wiilasha uu dhalay hoggaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay. Koox gacant ku haysa magaalada Zintan ee galbeedka dalka Liibiya ayaa waxay sheegeen in ay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen.

Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah.

Saif Al- Islam Qadaafi ayaa xabsiga la dhigay bishii Novermber ee sannadkii 2012-ka xilii uu u baxsanayay dalka Niger, waxaana uu soo muuqday isaga oo ka go’an dhowr farood.

Sannadki 2015-kii maxkmaad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xidhiidha falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii.

Saif al-Islam ayaa wali waxa doondoonaya maxkamada dambiyada caalamiga ee Hague, waxaana loo heystaa dambiyo dagaal, iyo kuwa ka dhan ah bani’aadamnimada. Sidaa ay sheegayaan warar aan la xaqiijin Sayf al- Islam ayaa haatan kula sugan ehaldiisa magaalada Bayda ee ku taala bariga Liibiya.

Saif Gadaffi ayaa wadamada reer galbeedka looga arkaa wajiga kaliya ee ka hadhay nidaamki Qadaafi.

Iyadoo guddaha iyo dibedda Liibiya ay dad badan u muujinayaan naceyb, ayaa haddana waxa uu waxoogaha taageero ka heystaa guddaha Liibiya, waxaana suuragal ah in uu isku dayo in uu kusoo laabto siyaasada cakiran ee waddanka Liibiya.

bandhige@gmail.com