Xaaladda Kiiniya oo adkaatay, doorashadii oo berito dhacaysa, mucaaradka oo ku dhawaaqay dhaqdhaqaaq wax-iska-caabin ah

Xaaladda siyaasadeed ee dalka Kiiniya ayaa sii adkaaday iyada oo berito la qabanayo doorashadii ku celiska ahayd oo aanay mucaaradku ka qayb galayn.

Maxkamadda Kiiniya oo la filayey in ay baajiso doorashada maanta ayuu go’aankaasi suurto gal u noqon waayey kadib markii tiro xaakino ah oo ku filan oo kooramka buuxiyaa ay ka soo xaadiri waayeen maxkamadda.

Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka Kiiniya, ayaa sheegay in aanay sinaba u aqbalayn natiijada doorashada Kiiniya. Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA waxay ku dhawaaqeen in ay u xuub siibanayaan dhaqdhaqaaq wax iska caabineed, taas oo loo fahmay in ay u jeedaan jabhad.

Si kastaba ha ahaatee, dunida ayaa wadnaha farta ku haysa iyadoo aan la saadaalin karin sida ay xaaladda Kiiniya noqon doonto berito iyo wiii ka dambeeya.

Bandhige@gmail.com