Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry war qoraal ah uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu rumaysan yahay in ay dhaqan-gasho xabad joojinta laga gaadhay colaada Suuriya, taasi uu hordhac u ah in heshiis laga colaada Suuriya ee sii-daba dheeraatay.
Kerry waxa uu tilmaamay in Madaxweynayaasha Maraykanka Obamaย iyo Ruushka Putin, ay maalmaha soo socda ka wada hadli doonaan sii looo dhamaystiri lahaa mabaadiida heshiiska.
Dawladda faraha kula jira arrimaha Suuriya iyo waddamada Bariga dhexe waxay isku raaceen horaan bishan in la joojiyo dagaalka Suuriya, taasi oo ay ku dhowaaqeen mar ay ku shirayeen Jarmal ayaa waxay goโaamiyeen xabad joojin dhaqal gali lahayd JImcihii aynu soo dhaafnay.
Balse waxa uu John Kerry wali rajaynayaa in si deg deg ah u dhaqan gasho xabad joojintaasi.
Dhan ka kale, Kooxaha u ololeeyaha arrimaha Suuriya waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 46 qof lagu dilay laba qarax oo ka dhacay magaalada galbeedka ku taalla ee Xumus.
Kooxda indha indheysa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigoodu yahay Ingiriiska, waxa ay tilmaamtay in inta badan dadka qaraxyadaasi ku dhintay ay ahaayeen rayid.
Labada qarax waxa ay ka dhasheen gawaadhii la dhigay xaafadda aad looga taageero maamulka Bashar Al-Asad.
Illaa iyo hadda macadda kooxda ka dambeysay qaraxyadaasi, laakiin deegaankaasi waxa hore weerar noocaan ah ugu qaaday kooxda Daacish.