Hargeysa(Dawan)Ku xigeenka Garyaqaanka guud ee qaranka Xuseen Jaamac Balal ayaa ka hadlay ahmiyada uu u leeyahay qaranka Xeerka Garyaqaanka guud oo Golaha Guurtida ansixiyay.
Xuseen Jaamac Balal ayaa waxa uu sheegay in shaqada xafiiska Garyaqaanka guud ay tahay in Maxkamadaha ka difaaco Xafiiska Garyaqaanka guud dacwadaha madaniga ah ee Xukuumadda lagu dacweeyo iyo la talinta sharciga ah ee Xukuumadda iyo in faafinta rasmiga lagu soo saaro xeerarka.
Xuseen Balal oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa Golaha Guurtida uu ansixiyay xeerkii xafiiska Garyaqaanka guud,waxaana aan u mahadnaqayaa Golaha Guurtida.waxaana uu u gudbiyaa doonaa Golaha Wakiilada oo waajibaadkooda dastuuriga ayay ka gudan doonaan.xeerka waa xeerka aasaasaya Xafiiska Garyaqaanka guud,kaas oo shaqadiisu tahay shan qaybood oo ay ka mid yihiin qabyoqoraalada Xeerarka Xukuumadda wado oo laga bilaabo xafiiska Garyaqaanka guud,taas oo aanu Golaha Wasiirada hor gaynay talabaad waxa weeye in faafinta rasmiga lagu soo saaro xeerarka.in Maxkamadaha ka difaaco Xafiiska Garyaqaanka guud dacwadaha madaniga ah ee Xukuumadda lagu dacweeyo iyo la talinta sharciga ah ee Xukuumadda,”.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com