Xidhiidhka Kubadda Kolayga adduunku waxay ogolaadeen in ay habluhu ku ciyaari karaan khimaar

 

Masuuliyiinta xidhiidhka kubadda kolayga adduunka (FIBA) ayaa wax ka bedelay xeerarka ciyaarta, waxa aanay ogolaadeen in hablaha ciyaara kubadda kolaygu ay xidhan karaan khimaar ay timahooda ku asturaan.

Markii hore xeerarka u yaalla ciyaartu way mamnuuci jireen in habluhu asturaan madaxooga oo ay qariyaan timaha, sababtana waxa xidhiidhku ku sheegay in ay ahayd xagga bedqabka ciyaartoyga.

Hablaha kooxda kubadda kolayga ee Qatar ayaa ka baxay tartankii kubadda kolayga ee ciyaaraha Aasiya sannadkii 2014-kii kadib markii loo diiday in ay hablahaasi ku ciyaaraan khimaarka.

Laakiin xeerarkan cusub ee ay FIBA meel marisay waxa ay haatan u ogolaan doonaan in hablaha doonaya in ay khimaar ku ciyaaraan iyagoo xor ah xidhaan isla markaana ciyaaraha ka qayb galaan.

Xeerarkan cusubi waxa uu si ku meel gaadh ah oo laba sannadood ah u dhaqan geli doonaan bisha tobnaad ee sannadkan.

bandhige@gmail.com