Xildhibaan Gavin Williamson oo Sheegay Inay Itoobiya Aqoonsanayso Somaliland

Qore: Khadar M.Xaashi

London (Dawan) Xildhibaan Gavin Wlliamson oo ka hadlayay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay Aqoonsanayso Somaliland, loona baahan yahay in dalka Ingiriisku aqoonsado.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka boqortooyada Ingiriiska isla markaana Xoghayihii hore ee Gaashaandhiga UK, ayaa ugu baaqay dawladdiisa inay xaqiiqda waajahdo oo ay aqoonsi u fidiso Somaliland.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa warkan ka sheegay Baarlamaanka dalka Ingiriiska waxaannu tilmaamay in dawladda federaalka Itoobiya ay hadda qarka u saaran tahay inay aqoonsato Somaliland sidaa daraaddeedna dawladda UK ay caddayso in siyaasadda Ingiriisku ka tarjumayso xaqiiqda dhabta ah ee ah inay Somaliland u aqoonato dal Madax bannaan.

Xildhibaanka ayaa geesta kale sheegay in wax kasta oo ay ku qaadato uu isagu si wadi doono ololaha iyo dedaalka uu ugu jiro sidii Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd beesha caalamka.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com