Xildhibaan ka soo jeeda Somaliland oo shalay la dilay ayaa maanta lagu aasay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya lagu saasay Allaha u naxariistee xildhibaan Maxamad Axmad Gurxan “Ilko-case” oo dabley hubeysan ay ku toogteen shalay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Gurxan wuxu ka mid ahaa xildhibanada ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa lagu aasay qabuuraha isbitaalka Madiina, iyadoo aaskiisa ay ka soo qeyb galeen gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamanka, Jeylaani Nuur Iikar, ku simaha raysal wasaaraha ahna raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamad Cumar Carte, wasiirka warfaafinta Maxamad Cabdi Xayir Maareeye, wasiir ku xigeenka wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble, xildhibaanno iyo qoyska xildhibaanka.

Waxa uu u geeriyooday marxuumka dhaawac ka soo gaaray rasaas ay kooxo hubeysan ku fureen xili uu marayey suuqa bacadlaha ee degmada Xamarweyne .

Waxa uu noqonayaa xildhibaan Maxamad Axmad Gurxan xildhibaankii 5-aad ee lagu dilo magaalada Muqdisho sanadkan 2015.

Bandhige@gmail.com