Xildhibaan oo Fariin Bogaadin ah u Diray Baarlamaanka Ingiriiska

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa boggaadiyay warbixintii lagu dhegaystay baarlamaanka Ingiriiska ee la xidhiidhay Mooshinka Aqoonsiga Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh ayaa Xildhibaan Gavin Williamson uga mahadnaqay isla markaana ku halbalyeeyay in uu baarlamaanka Ingiriiska horgeeyo mooshin la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Xildhibaan Shaadh ayaa ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in baarlamaanka dalka Ingiriiska doodka yeesho qadiyada gooni isku taaga Qarannimada Somaliland iyo aqoonsi JSL beesha caalamka Ictiraf buuxa, waxa uu xusay in wadankeenu booxiyey shuruudihii lagu ictiraafi lahaa ,isla markaasina waxa uu tilmaamay in uu ku hambalyeynayo barlamanka ingiriska doodaas ku lafo -guraayeen ictirafka dalka Somaliland.
Geesta kale xildhibaanku waxa uu tilmaamay in 182 xildhbanada waddanka ingiriisku innagu taageereen qadiyada gooni isku taagga qaran-nimada Somaliland oo ay wajigii koowaad cod gana taag ah ku taageereen qadiyadeena, halka mudanayaasha barlamanka Ingiriisku u balaeen fadhi dambe arrintaas.