Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilad iyo xisbig Wadddani ayaa waxa uu maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxa uu ka soo horjeestay saldhiga militari ee Imaaraadku ka doonayo Berbera.
Waxaaanu dhalliilo u soo jeediyey xukuumaddan Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” hoggaaminayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Waddanka xukumaan Wasiirka Madaxtooyadda iyo Safiirka Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in aanay dooran dadka reer Somaliland.
Sidoo kale waxa uu dhalliil u soo jeediyey Golaha Baarlamaanka ee uu Guddoomiyaha ka yahay Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay fadhiid yihiin.
Dhanka kale waxa uu Siciid Cilmi Rooble ugu baaqay bulshada reer Somaliland in ay soo banaan-baxaan maalinta la hor keeno mooshinka lagu doonayo in lagu ansixiyo heshiishka Imaraadka Carabta ee Saldhiga Milatari ee Berbera.
Sidoo kale waxa uu Siciid Cilmi Rooble dhalliil u soo jeediyeen guddiga abaaraha ee uu magacaabay Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in aanay la ogayn meel jaan iyo cidhib dhigeen lacagtii aabaraha la ururiyey.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:
https://www.youtube.com/watch?v=5iBWrcFaCMA&feature=youtu.be