Xildhibaan Cabdi Laki wuxu soo dhoweeyey Saldhiga Militari ee Imaaraadku ka doonayo Berbera

 

Xildhibaan Cabdi-laki Xasan Nuur oo ka tirsan golaha deegaanka Burco ayaa soo dhaweeyay Saldhig Militari ee dawladda Imaaraadku ku yeesho magaalada Berbera Waxa uu sheegay in uu ka qayb qaadanayo horumarka Somaliland loona baahan yahay in bulshadu soo dhawayso, isagoo mucaaridka ugu baaqay in aanay siyaasadayn arrimaha horumarka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan taageersan ahay Saldhiga Militari. Dad aan jeclayn horumarka oo dalka hagardaamaynaya ayaa baryahan sifooyin khaldan ka bixinayay Saldhiga, waxaan ugu baaqaya dadka horumarka dalka hagardaamayna inay ka waantoobaan oo aanay horumarka siyaasadayn oo aanay mucaaradad ka dayin oo aanay ku jiqsii ka dayin,”

Xildhibaankan oo da’diisu yar tahay ayaa dad uu ugu yeedhay Fadhi ku dirir wuxuu ugu baaqay in aanay wakhtiga ka carqaladayn dhallinyarada u baahan shaqo abuurka iyo horumarka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xisbiyada Mucaaradka waxaan leeyahay ka daaya siyaasadaynta wixii horumar ah, wixii kaleba ka hadla laakiin, wixii horumar ah taageera kuna hambalyeeya Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, hana niyad jabinina haddii kale idina haddaad guulaysatan taas ayaa idin hortaalla.”

Xildhibaanku wuxuu mudaneyaasha Baarlamaanka ugu baaqay in ay ansixiyaan Saldhiga Militari oo wax ka taraya la macaamilka dunida iyo ictiraafka Somaliland raadinayso, waxaanu yidhi:

“Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan leeyahay waxaa la idiin doortay inaad dalkan horumarkiisa iyo maalgalintiisa taageertaan, la idiinma dooran in la idiinka warwaro inaad horumarka hor istaagtan, waxa la idinka rabaa inaad umadda ka saartan shaqo la’aanta iyo fakhriga.”

Xildhibaankan oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa ku baaqay in bulshada Somaliland meel uga soo wada jeedsato arrimaha horumarinta ah ee heshiisyada caalamiga ahi ka mid yihiin, islamarkaana aan dheg loo dhigin dhalliilaha ay faafinayaan dadka fadhi ku dirirka ahi.

bandhige@gmail.com