Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu aad u daneynayo in uu horumariyo xidhiidh wax ku ool ah oo u faa’iideeya Mareykanka iyo Shiinaha.
Bayaan kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in Trump uu dareenkiisa ku muujiyey warqad uu u diray madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu Xi uga mahad celiyey hambalyadii uu usoo diray markii madaxweynaha la caleemo saaray bishii lasoo dhaafay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Lu King ayaa khamiista sheegay in Shiinaha uu la dhacsan yahay warqadda Trump, ayna rajeynayaan in ay Maraykanka kala shaqeeyaan horumarinta xidhiidh iyo wada shaqeyn wanaagsan.
Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaan hadlin tan iyo markii Trump uu madaxweyne noqday, hase yeeshee laba dal ayaa joogteeyey xidhiidh is-gaadhsiineed oo wanaagsan.
Trump ayaa waxa haatan la yimid siyaasad ku cusub Maraykanka taasi oo mucaaridad badana ka hor timid, kuwaas oo ay ugu waa weynaayeen 7 waddan oo ka mamnuucay in ay soo galaan Maraykanka, kuwaasi oo u badan Muslimiin.