Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Wadani Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ, ayaa maanta dhakhtark weyn ee Hargeysa ku soo booqday dad tiro badan oo xili raashin looggu qeybinaayey magaalada Balli-gubadle ay dhaawacyo ka soo gaadheen rasaas ku qaraxday awgeed iyo weli ba sida oo kale dad kale oo tira badan oo xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarkaasi.
Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ oo ay wehelinaayeen siyaasi Cabdi Haybe, Jamaal Xuseen Hurre, Iid Jiciir iyo weli ba sida oo kale masโuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ugu horreyn mid mid u soo booqday una soo dul istaagay dadkii xaaladda caafimaad u jiifay dhakhtarka, waxaana uu ka xaal waraystay xaalkooda caafimaad iyaga oo u sheegay in ay hadda aad u fiican yihiin sida oo kalena ay ka soo reynayso xaaladdooda caafimaad, waxa kale oo halkaas dadkii kale ee iyagana uu ku soo booqday ay dhammaantood ba u xaqiijiyeen in xaaladda caafimaad ee ay u jiifaan dhakhtarka weyn ee Hargeysa ay tahay dhaawacyo ka soo gaadhay shilal kala duwan oo gaadiid.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isna dhankiisa waxa uu caafimaad sareecan ah uu Alle uga baryey dadkaas bukaanka ah ee uu ku soo booqday dhakhtarka weyn, isaga oo sida oo kale na warbaahinta u sheegay in uu Xukuumadda ugu baaqayo in ay wax ka qabato shilalka gaadiidka sida oo kale ay ka hawl-gasho siddii loo yarayn lahaa shilalkaasi maadaama dadka ugu tira badnaa ee uu soo booqday ay ahaayeen dad ka cabanaayey dhibbaato iyo dhaawacyo ka soo gaadhay shilal kala duwan oo gaadiid.