Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf Oo Cabdi-waraabe ku magac dheer ayaa farriin waayeelnimo oo la xidhiidha xaallada waqtigan ka taagan dalka ee abaaraha iyo doorashooyinka madaxa iskula jira u diray jileyaasha saddexda xisbi qaran ee ku loollamaya tartanka doorashada madaxtooyada, taasi oo qabsoomideeda aragtiyo kala duwan ka qaba.
Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu ku baaqay in hoos loo eego xaallada abaareed ee dalka jirta oo uu u magac bixiyey naanaysta sooyaalka u geli doonta ee lagu xasuusan doono mustaqbalka taasi oo uu ugu wanqalay [Abaarta Baaha]. Waxaa kale oo uu ku baaqay in cidda ay ka go’do arrimaha siyaasiga ahi ay isla meel dhigaan xal muhiim ah oodalka iyo dadkaba dan u ah, taasi oo uu sheegay in ay duruufi keentay. Oday Cabdi Waraabe waxaa uu dhinaca kale ku baaqay in Illaahay la baryo oo la ducaysto isla markaana la weydiisyo in uu madar khayr qaba sida ugu dhakhso badan ugu shubo waxa uu yidhi:
“Illaahay waxaynu baryaynaa abaarta dadka iyo ta duunyadaba in uu innaga kor qaadaa, waxaynu illaahay baryaynaa in uu madar [roob] aan dhibaato lahayn innoo shubaa oo dheef leh. Waxaynu illaahay baryaynaa itifaaq iyo heshiis iyo khilaaf la’aan in uu innagu beeraa. Duunyadu waa inqiriir, adhina waa inqiriir, geelna waa dabo gaabo, illaahay roob barako leh in uu innoogu dhakhsado oo aan dhibaato lahayn ayaynu illaahay baryaynaa.”
Xaajigu waxaa uu hadalkiisa ku ladhay in meel looga soo wada jeedsado arrimaha nabadgelyada sidii loo adkayn lahaa “Nabad gelyada in meel looga soo wada jeedsado oo gobonnimadu innoo adkaayo ayaan Illaahay baryaynaa:
“Intaas kadib markii Uu xaajigu duceeyey waxaa ay warbaahintu su’aashay muranka siyaasiga ah ee dhinaca doorashada iyo muqaalifo la’aanta ay musharraxiinta saddexda xisbi ka taagan yihiin sidii la isula meel dhigi lahaa xal muhiim ah oo wajahaya gurmadka abaarta iyo codbixinta doorashada madaxtooyada xilliga ugu habboon ee la qabanayo.”
Waxaana Xaaji Cabdi Waraabe oo arrintaasi ka jawaabayaa uu ku hal celiyey:
“Nimankaas [Musharraxiinta saddexda xisbi qaran] farriinta halkan aan u marinayaa waxaa ay tahay muddada [qabsoomida doorashada] Illaahay baa dib u dhigay, waayo abaar baaha la yidhaa ayaa innagu dhacday, waayo haddii uu [roobku] maanta da’o, dadku lix bilood isuguma iman karo oo adhigii, halihii, xaaskii iyo maxastiiba midba meel bay jiraan oo waa la kala lumay. Ninka doorashada ku degdegayaana waa nimaan dalkaba hoos u eegin haduu maanta da’ona lix bilood isuguma iman karo. Markaa waxaan leeyahay doorashada hala hubsado halka la dhigayo iyo muddaday noqonayso, heshiisna iyadoo lagu yahay oo aan khilaaf jirin hala heshiiyo oo illaahay baa dib udhigaye waqtigay noqonayso halagu heshiiyo.”
Golaha Guurtida Somaliland oo sida Dastuurka qodob ka tirsani sheegayo ah Golaha Waajibaadka Sharci u leh muddo-kordhinta loo samaynayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka haddii ay yimaaddaan duruufo aanay suuragal ahayn in dalka doorasho laga qabto; sida Abaar baahsan oo tan oo kale ah, dhibaatooyin Dhul-gariir, Dhaqaale-xumo iyo waxyaabo la mid ah, ayaa la filayaa inay kordhin doonaan muddo ka badan lixda bilood ee ay Mucaaradku dalbadeen in dib loo dhigo doorashada Madaxtooyada.
Badhtamaha sannadkii 2015-kii ayey ahayd markii la qaban kari waayey doorashada Madaxtooyada, xilligaas oo ay Mucaaradku oggolaadeen in lix bilood dib loo dhigo, hase-ahaatee, ay Guurtidu kordhiyeen 22 bilood oo sababay inay Waddani iyo UCID aad uga qayliyaan, isla markaana Dacwad ka dhan ah geeyaan Maxkamadda sare, balse Maxkamadda, ayaa ayidday, isla markaana go’aamisay in la raaco wakhtigaa Guurtidu kordhisay, doorashadana la qabto 28-ka Maarso 2017-ka oo hadda wax yari ka hadhsan yihiin, balse xaaladda Abaartu saamayn taban ku yeelatay.
Xigasho: Hubaal Media.