Xisbiga KULMIYE oo Isku Shaandhayn ku Sameeyey qaar kamid ah Masuuliyiinta xisbigaasi ee Gobolka Maroodi-jeex

Isku Shaandhayn lagu Sameeyey Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex

————————————————————

Hargeysa (Warbaahinta KULMIYE)- Qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu sameeyey isku shaandhayn lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac maanta (12 March 2020), ayaa lagu shaaciyey xil-ka-qaadis, isku beddel iyo magacaabis cusub oo lagu sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha kala duwan ee xisbiga ee Gobolka.

Wareegtadaasina waxay u qornayd sidan:

โ€œKu: Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud Timiro

Ku: Sacda Cabdi Xasan

Ku: Cabdicasiis Maxamed Yuusuf

Ku: Axmed Yoonis Juxa

Ku: khadar Sh. Ibraahim Dugsiiye

Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

Og: Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, 2aad, 3aad, 4aad ee xisbiga KULMIYE

Og: Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Ujeeddo: Magcaabid, isku-Badel iyo Xil ka Qaadis

Mudanayaal;

Sida aad la socotaan, xilka xisbiga ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Gobol

Xoghayaha Dhallinyarada Heer Gobol

Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka

Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax

Guddoomiyaha Degmada Ibraahin Koodbuur

Magcaabid;

Markaan arkay muhiimadda dhismaha maamulka Degmooyinka iyo Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga,

Markaan ku qancay kartidooda, aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda,

Waxaan goโ€™aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta in aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Axmed Maxamed X. Cali Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol

2. Maxamed Cabdi Yuusuf Xoghayaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol

3. Mubaarik Cabdillaahi Haybe Madaxa Abaabulka iyo wacyigelinta Gobolka

4. Maxamed Abiib Siikaawi Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur

5. Muxiyodiin Cabdi Shiil Guddoomiyaha Degmada 26ka juun.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac

Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE,

ahna Kusimaha ย Guddoomiyaha.