Xisbiga KULMIYE wuxu soo dhoweeyey taageerayaal ka soo jeeda Beelaha Dan-wadaago

 

Xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey taageerayaal laxaad leh oo ka soo jeeda beelweynta Dan-wadaago (Gabooye) oo ka tirsan beelaha reer Somaliland.

Xaflad lagu soo dhaweeyey taageerayaasha ka soo jeeda beelaha Dan-wadaago oo lagu qabtay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay hoggaanka KULMIYE oo uu hormuud ahaa Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennada labaad iyo saddexaad Axmed Cabdi Dheere iyo Xuseen Aadan Cadde, saraakiil badan oo xisbiga ka tirsan, garabyada Haweenka, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, boqolaal taageerayaal la soo dhaweeyey ah iyo marti-sharafa kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey taageerayaashan, laguna bogaadinayey go’aanka ay KULMIYE ku taageereen .

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com