Xisbiga Kulmiye, ayaa u xafladeeyey Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda ee Waddani ee uu hoggaamiyo Guddoomiye-kux-xigeenkii hore ee xisbigaas Axmed Muumin Seed oo si rasmi ah u midoobay maanta.
Xafladda midowga labada dhinac oo ka dhacday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Maxamuud Jirde, xubno wasiirro ah, hoggaanka xubnaha garabka Toosinta iyo Caddaaladda, taageerayaal tiro badan iyo marti sharaf kale.
Ugu horrayn, Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa furitaankii xafladda ka akhriyey qodobada heshiiska labada dhinac isku raaceen, kuwaas oo bud-dhig u noqonaya midowgooda iyo midnimo waarta oo kor loogu qaadayo awoodda taageero ee xisbiga Kulmiye E.
Xoghayihii siyaasadda ee xisbiga Waddani, haatana ka tirsan xubnaha garabka Toosinta ee Kulmiye la midoobay Maxamed Abiib Yuusuf, ayaa sheegay inuu ku soo hirtay xisbi laga ixtiraamo dooda iyo afkaarta kala duwan, waxaanu caddeeyey inaan la isku doorsan karin hoggaaminta Guddoomiyeyaasha Waddani iyo Kulmiye, waxaanu yidhi:
“Waan ku faraxsanahay inaan ka imid xisbi aan laga xurmaynin aragtida iyo doodda ay dadku ku kala duwan yihiin Kulmiye waxa i keenay oo aan ku kala doortay dabeecooyin ay ku kala duwan yihiin labada murrashax ee Kulmiye iyo Waddani, kuwaas oo kala ah dhiirranaan iyo fulinta wacadka, dabeecahadda Cabdiraxmaan Cirro-na kuma soo baxayaan in aynu 2017-ka talada dalka u igmanno.”
Xoghayihii hore ee Ciyaaraha xisbiga Wadddani Rooda Cabdi Muuse, ayaa iyaduna sheegtay inay hiyi raacday taariikhda suubban ee Guddoomiyaha Kulmiye, isla markaana ay go’aan ku gaadhay inay cuddudeeda iyo caqligeedaba ugu xadhko-xidhato sidii uu Muuse Biixi hoggaanka dalka u qaban lahaa.
Afhayeenkii Garabka Toosinta iyo Caddaaladda Hinda Jaamac Gaanni oo halkaas hadal dheer ka jeedisay, ayaa xustay inay go’aankooda saldhig uga dhigeen shakhsiyadda Guddoomiye Muuse Biixi oo ay tilmaantay inuu yahay shakhsiga ku habboon hoggaaminta dalka, waxaana iyada oo arrimahaas ka hadlayana, waxay tidhi:
“Waxaannu garanay inaannu ka fiirsano cidda aannu codkayaga siinayno ee aannu dalka ku aaminayno, markii aan Waddani dhexdeeda ku arkay in hadal kasta oo la sheegaa uu salka ku hayo Soomaaliya, ayaan garabkan ku dhawaaqay, iyada oo waxa la toosinayaana ay tahay qaranimada Somaliland, waxaanan go’aansaday inuu talada dalka xaq u leeyahay qof la ogyahay inuu go’aankiisu gacantiisa ku jiro.”
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee xisbiga Waddani Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdille (Faarax-dheere), ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay dudooda isugu geeyaan xisbiga Kulmiye, waxaannu yidhi:
“Maanta laga bilaabo waxaan caddaynayaa inaan taageeradayda iyo hiilkaygaba la garab taaganahay xisbiga Kulmiye, taageerayaashayda iyo dadka aan xildhibaanka u ahayna waxan leeyahay Kulmiye ayeynu ku biirnay, waxana aan idiin caddaynayaa in si sharaf leh la inoo qaabilay oo aynu helnay xisbi inoo han weyn oo aynu inaguna la shaqayn doono.”
Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaas ka hadlay, ayaa labadooduba soo dhaweeyey garabka Toosinta ee ku biiray Kulmiye, waxaanay u tilmaameen inay yimaadeen xisbi dimuqraadiyadda iyo is-ixtiraamku ka shaqayso. Wasiir Cakuse oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Anigu Muuse Biixi baan taageersanahay, maalintii doorashadiisa fartii aan taagay waxay ahayd astaanta dimuqraaddiyadda, midda aan maanta ugu codaynayaana waa mid uu u qalmo waana dhaqanka xisbiga Kulmiye, Samaale waaka halkan fadhiya oo Muuse ayuu dhisayaa, aniguna Muuse Biixi baan dhisayaa, saaxiibayadii kale ee naga tagayna waxaannu kaga wanaagsanahay xisbigii kamaanu tagin, Muuse cadow muu ahayne saaxiib aannu tartanay buu ahaa wuuna naga badiyey oo waana dimuqraadiyad oo waanu raacaynaa.”
Guddoomiye-ku-xigenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna tilmaamay in garabkan cusub ee la midoobay Kulmiye ay qayb ka noqon doonaan hay’adaha uu xisbigu ka koobanyahay.
Waxa kaloo uu su’aal geliyey sababta uu xisbiga Waddani dhaliilaha uu sheego maragga ugu qabsado xubnaha xukuumadda Soomaaliya ee Xamar, waxaannu yidhi:
“Xisbiga Waddani intay shir jaraa’id qabteen bay markhaati u qabsadeen ninka Handhi-dhawaraha guud ka ah Soomaaliya, waxana la yaab leh mar kasta oo Waddani hadlayo maxaa iyaga iyo qolada Xamar inay isu dhuun-daloolaan ay u muuqataa ee ay markhaatiga ugu qabsadaan goormaynu innaga iyo Xamar kala soconay?”
Suldaanka guud ee deegaamo ka tirsan Gobolka Awdal Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, ayaa iftiimiyey doorkii uu guddoomiye Muuse Biixi kasoo qaatay nabadayntii iyo hirgelintii Somaliland iyo sida uu isagu u taageersan yahay, waxaannu yidhi:
“Muuse Biixi Boorama ayuu noogu yimi isaga oo Soddon nin oo aan abti u wada ahay wata, waana aannu qaadanay, maantana bartii baanu ka haynaa oo wax alla wax aannu ku beddelanaynaa ma jiraan.”
Xubno kale oo ay kamid yihiin; Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Suldaaan Ibraahim Jaamac Samatar, Siyaasi Fu’aad Mixille, Aamina Cilmi Fariid iyo kuwo kale oo ka hadlay madasha midowga Kulmiye iyo garabka Toosinta iyo Caddaaladda, ayaa si weyn u soo dhaweeyey, waxaanay labada dhinac u rajeeyeen inay guul ku naaloodaan.
Guddoomiyaha Garabka Toosinta iyo Caddaaladda Axmed Muumin Seed, ayaa isaguna sharraxay nooca hoggaamineed ee ay Somaliland u baahan tahay, isaga oo xusay inuu Guddoomiye Muuse Biixi yahay shakhsi ay Somaliland u baahan tahay maanta, waxaannu yidhi:
“Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiye daacad ah oo aan mus-dambeed lahayn oo ay taladu isaga ka go’ayso, kaasina waa Muuse Biixi Cabdi, marxaladda aynu maanta ku jirnana waxaynu u baahanay madaxweyne innaga saari kara, laga bilaabo maantana waxaannu ka midaysanahay inaynu Madaxweyne u doorano oo aynu dhisno Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay Somaliland u baahan tahay.”
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo madasha soo afmeeray, ayaa sheegay inuu Kulmiye astaan u yahay midnimada Somaliland iyo ku dhaqanka sharciga, isla markaana talada la wada leeyahay oo la is dhegaysto, waxaannu yidhi:
“Qof kasta oo hore Kulmiye u ahaaba waxa waajib ku ah inuu qalbiga furo oo uu soo dhaweeyo dadka innagu soo biiraya ee kooxda maanta ina horjoogta iyo kuwa iman doonaba, waana u mahadnaqaynaa abaalna waanu ugu haynaa, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inaynu noqono dad wadatashada oo meel wax wada dhiga, Kulmiye -na waxaad igu imanaysaa oo noo aragti ah oo noo siyaasi ah inay Somaliland mid tahay oo ay ku dhaqanto sharciga iyo distoorka oo ay talo-wadaag leedahay oo uu qof waliba karitidiisa iyo aqoontiisa ku gaadho yoolkiisa oo aan lagu gaadhin Kulmiye dhexdiisa qaraabo-kiil iyo hebel jeclaysi.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“Aqoontu waa furaha meel walba lagu gaadhayo, dhibaatooyinka inna haystana aqoon uun baynu kaga bixi karnaa, nin walba oo muddakar ah oo ah siyaasi, sheekh, suldaan ama ganacsade xoolo haya ah ama mufakar ahi wuxuu ka fikiraa waa mustaqbal oo ay leeyihiin dhallinyaradu, haddaan dhallinyarada dalka loo danaynay oo aan mustaqbalkooda laga warwarin oo aan laga hawlgalin dalkani meel gaadhimaayo. Sidaas darteed, Kulmiye waxa ka go’an inuu juhdigiisa oo dhan galiyo in dhibaatooyinka mustaqbalka haysta ee shaqo la’aanta iyo warwarka leh in laga saaro, qorshaheediina Insha Allaahu waynu haynaa, mujtamaceennu wuxuu u qabysan yahay saddex dad da’ ah oo u baahan la xannaaneeyo, dad xoog ah oo laga rabo fikir iyo shaqo iyo dadka mustaqbalka leh, Kulmiye saddexdaas buu isku xidhayaa.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu shaaciyey taakulo lacageed oo dhan kontan kun oo dollar ($50,000) oo uu xisbigu mar kale kaga qaybgalayo gurmadka abaarta ka taagan dalka.