Xisbiga Waddani ayaa xaaran ku tilmaamay tallaabadii xukuumaddu kula wareegatay gaadiid lagusoo qabtay Qaadka.
Xoghayaha Xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay xaaran tahay gawaadhi xukuumadu la wareegatay oo lagu qabtay iyaga oo soo galinaya qaad sharci daro ah islamarkaana ciidamada booliksu ku buufisteen astaantooda gaarka ah.
Xoghayuhu waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay ina ficilada noocan oo kale ah ay yihiin kuwii ay kasoo dagaalameen shacabka reer Somaliland.
Hoos ka daaw muuqaalka warkan: