Xisbiga WADDANI Halgankii Dalka Wax ba Kumuu Lahay” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Marka aynu doonayno in aynu qaranka hoggaamino qabiil yar iyo koox buur saari mayno…”guddoomiyaha Kulmiye

Hargaysa (Dawan): Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee talladda Somaliland haya ayaa ku dhaliilay xisbiga mucaaridka ee Waddani in aanu wax ba ku lahayn halgankii taariikheed ee xoraynta dalka loo soo maray.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiga Waddani aanu meelnaba ka soo gelin ama ku abtirsanin taariikhdii halganka, balse uu taa bedelkeedda caan ku yahay ceebaynta qabaa’ilka iyo duminta qaranimadda halganka loo soo maray.

Maxamed Kaahin, waxa uu xusay in aanay ceebaynta qabaa’ilka kula tartamaynin xisbiyadda mucaaridka ah, balse ay taa bedelkeeda iyagu xisbi ahaan ku tartamayaan sidii ay bulshadda u kasban lahaayeen, isla markaana ay ugu qancin lahaayeen barnaamijkoodda siyaasadeed.

Waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye, marka la eego xisbiyadda dalka ka abuurmay, waa xisbiga keliya ee ilaa doorashooyinkii ugu horeeyay ee dawladaha hoose ee sanadkii 2002-dii, ilaa iyo maanta doorasho ba doorashadda ay ka danbayso, codkiisu uu kor u sii kaco.

Siyaasadda xisbigu ma geydo, dadkiisuna ma geyaan, hogaankiisa iyo madaxdiisuna ma geyaan….. Qaranku halka uu ku abtirsado, iyo halka uu ku socdo, iyo halganka uu soo gallay, inuu been ka sheego, uuna caayo na waa ceeb, oo xisbiga Kulmiye, ma geyo”.

Maxamed Kaahin Axmed, oo hadal u jeediyay xaflad ay taageereyaasha Kulmiye cududoodda ku muujinayeen oo lagu qabtay Hargaysa, waxa kaloo uu sheegay in aanay xisbi ahaan Waddani kula tartamaynin kala qaybinta iyo ceebaynta qabaa’ilka, maadaama oo aanu xisbiga Waddani wax taariikh ah ku lahayn halgankii dalka loo soo maray.

“Qoladda cayda noocaas ah taqaana, ee maalmihii adkaa ee dalkani soo maray aan maalinta ku lahayn, ee dhibaatooyinkii dhacay mid keliya aan goob joog ka ahayn, waa xisbiga Waddani. Xisbiga Waddani halgankii dalka loo soo maray waxba kuma lahayn.

Hadaan Kulmiye nahay, kulama tartamayno cayda. Siyaasad suuq madaw ah oo kolba afar qof meel loogu yeedhayo, oo la yidhaahdo reer hebel baa nagu soo biiray-na, siyaasad maaha, oo reeraha meel kaga dhici mayno” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxa kaloo uu sheegay in tan iyo markii la aasaasay xisbiyadda Somaliland in Kulmiye oo taariikh xisbinimo oo aan qabiil ku salaysnayn inuu ku soo dhisnaa.

Sidoo kalena uu yahay xisbiga ay shacabka Somaliland laba jeer u doorteen hogaaminta qaranka, isla ay xisbi ahaan doonayaan in mar saddexaad loo doorto, iyagoo taana u maraya dariiqii lagu gaadhi lahaa aqoonsiga.

Maxamed Kaahin Axmed, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dariiqii aynu doonaynay in aynu aqoonsiga ku helno ayaynu soconaa, oo aynu in yar ula jirnaa. Barnaamijkeena iyo arrinkeenu waa horumar.

Marka aynu doonayno in aynu qaranka hogaamino qabiil yar iyo koox buur saari mayno. Buuraha hore ayaa loo soo galay oo waa markii dhulkani la xoraynayay, ninka uu wakhtigu kaga lumayaa isaga ayay jirtaa.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com