Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Kaltanka ololaha doorashada oo uu maalinba xisbi iyo Urrur u lahaa waxa maanta (shalay) soo geboโgabeeyay ololihiisi doorashada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kaasi oo isu soo baxyo ballaadhan ka dhigay dhammaan magaalooyinka iyo degmooyinka dalka.
Murashaxa jagada madaxwayne ee xisbiga Waddani Cabdirxamaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo masuuliyiin ka mid ah hogaanka xsibiga ayaa isu soo baxyada kala qayb galay Taageerayaashooda gobolka Togdheer oo taageerada ay u hayaan xisbiga ku soo bandhigay fagaaraha Kheyriyada Burco, waxana halkaasi kala hadlay musharaxa madaxwayne ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ka codsaday bulshada inay u codeeyaan, codkoodana ay siiyaan isbadelka.
Sidoo kale Murashaxa madaxwayne ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa uga mahad celiyay shacabka Togdheer iyo guud ahaan ba dalka sida wanaagsan ee ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga Waddani una sameeyeen isu soo baxyada ay ku taageerayaan xisbiga.
Musharax Cirro ayaa dadwaynaha Burco la wadaagay waxyaabaha uu rabo in lagu doorto oo uu xusay xoojinta difaac dalka, kor-u-qaadida dhaqaalaha iyo isku haynta bulshada oo uu sheegay inay Qaranka muhiim u tahay, waxa uu musharax Cirro xusay in aanu ahayn ciil qabe u cadhaysan qayb bulshada ka mid ah balse ay dadku u wada siman yihiin.
Murashaxa jagada madaxwayne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta xisbiga ayaa safar dhanka circa ah ugu ambabaxay magaalada Ceerigaabo ka dib ka qayb galkii ololaha Burco.
Kumanaan Taageerayaasha xisbiga Waddani ah ayaa ku soo dhaweeyay wefgiga musharaxa garoodnka diyaaradaha Cerigaabo, waxaanay u galbiyeen fagaaraha Kheyriyada Ceerigaabo oo ay weftigani kaga qayb qalayeen ololaha taageerayaasha Ceerigaabo ku muujinayaan taageeradooda.
Murashaxa Cirro ayaa khudbad dhinacya badan u jeediyay taageerayaasha xisbiga Waddani ee ololaha isugu soo baxay Ceerigaabo waxaanu bulshada Ceerigaabo ku bogaadiyay in intii doorasho ee uu xisbiga Waddani galay uu ugu sareeyay Ceerigaabo.
Mushaxa Cirro ayaa sidoo kale dhaliilo ujeediyay dhigiisa Muuse Biixi Cabdi oo uu ku dhaliilay in aanu ka hadal ciidanka Qaranka eek u xidhan Laascaanood iyo in uu xadkii Somaliland ka dhigay Oog.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa bulshada Ceerigaabo uga mahad celiyay sida ay u muujiyeen taageerada xisbiga Waddani iyo in dalka uu isbadel ka dhaco, waxaanu ku booriyay inay maalinta codaynta codkooda ku hubsadaan Waddani.
Musharaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Waddani Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa dhankiisa ka qayb galay ololaha doorashada Waddani ee gunaanadka taageerayaasha Boorama, waxaanu halkaasi kala hadlay boqolaal qof oo ka qayb qaadanayay isu soo baxaasi uu xsibiga Waddani ku soo gunaanadayay ololohooda, waxaanu ka codsaday inay codka siiyaan Waddani maalinta Arbacada ah oo ay Kaadhka codaynta soo dhawaytaan.
Geboโgabadii Guud ahaan waxa shalay soo dhammaaday kaltan ololaha Xisbiga Waddani oo ay isu soo baxyoย waawayn ka dhigeen dhamaan magaalooyinka, Degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka halkaasi oo ay masuuliyiiinta xisbigu kala qayb qaadaayeen bulshada.
Xigasho:wargeyska dawan
bandhige@gmail.com