Xisbiga WADDANI wuxu xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey siyaasiyiin iyo taageerayaal ka soo jeeda Beelaha degga koonfurta Hargeysa iyo Salaxley oo soo digo-rogtay KULMIYE

 

Xafla si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey Siyaasiyiin, Wax-garad, Aqoonyahan, Xildhibbaano, Dhallinyaro, Haween iyo taageerayaal kale oo baaxad weyn ku waasi oo ka soo jeeda beelaha Abokor Muuse ee Ciidagale oo ka soo guuray Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo uu ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi Cirro, ayaa waxa ku wehelinaayey siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, Siyaasi Abiib Timacad, Siyaasi Keyse Cali Geedi, Siyaasiyiin kale, Xildhibbaano, xubno ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbigaasi oo ay hoggaaminaayeen Suldaan Maxamed Xasan Gadhle, Mujaahid Iid Cabdillaahi Dhegayare,Xildhibbaan Maxamed Cabdi Dhamac, Aqooyahan Yaasiin Calase, Khadar Xasan Qabaal, Xildhibbaan Iid Faarax, Garyaqaan Siciid Jaamac Geel-jire, Axmed Xasan Goolle, Maxamed Yoonis Jaamac(Dhaliye), iyo Layla Ismaaciil Boorke iyo weli ba taageerayaal kale oo aad u tira badan kuwaasi oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah siyaasiyiintii, Xildhibbaanaddii iyo taageerayaashii kale ee halkaas k hadlay, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ku soo biiritaankooda Xisbiga WADDANI, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in Xisbiga WADDANI uu yahay Xisbigii badbaadada Somaliland.

Siyaasi Keyse Cali Geedi, Xildhibbaan Dheeg iyo weli ba saraakiil kale oo aad u tira badan oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si diiran u soo dhaweynayaan sida milgaha leh ee beesha Abokor Muuse ay cududeedii taageero ugu muujisay Xisbiga WADDANI iyaga oo tilmaamay in Xisbiga WADDANI yahay madal aan la kala lahayn sida oo kale na uu yahay xisbiga keliya ee rejada u ah shacabka Somaliland.

Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida uu u la dhacay cududa taageero ee ay muujiyeen shacabka ku dhaqan deegaanada Salaxley iyo Koonfurta Hargeysa, waxaana uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu yahay kii wax badan ka qaban lahaa baahiyaha ka jira deegaanaddaasi.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn si diiran u soo dhaweeyey taageerayaashaasi, waxaana uu tilmaamay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii rejada Somaliland isla mar ahaantaana uu balan-qaadayo in uu si cadaalad ah uu hoggaamin doono talada dalka sida oo kale na uu wax badan ka qaban doono duruufaha nololeed iyo sicir bararka ka taagan gudaha dalka.

bandhige@gmail.com