Xisbiyada qaranka oo isla qaatay saamaynta abaarta laakiin ku kala aragti duwanaaday dib-u-dhigidda doorashada

Labada xisbi mucaarid ee Somaliland ayaa maanta isla qaatay in doorashada madaxtooyadda dib loo dhigo muddo lix bilood ah, waxaanay go’aankan u gudbiyeen guddida doorashada. Hase yeeshee xisbul-xaakimka ayaa ka aragti duwanaaday sheegayna in ay qirayaan abaaraha laakiin ay rabaan in sifo sharci ah loo maro hannaanka loo kala maaraynayo doorashada iyo abaaraha.

Warqad ay ku cadyihiin mowqifyada xisbiyada mucaaridka ah iyo xisbul-xaakimka ayaa loo gudbiyey guddida doorashada iyo saxaafadda.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Ucid iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale qaba in abaarta Somaliland ka jirta oo ah tii ugu darneyd ee muddo la arko darteed aan doorasho lagu qabin karin waqtigii hore loo goโ€™aamiyey.

Xisbiga Kulmiye aayaase ka gaws-adaygayey in doorashada dib loodhigo, ilaa imikana ay u muuqato oin aanu weli go’aankaas la qaadan xisbiyada mucaaridka ah.

bandhige@gmail.com