oo fure u noqon karta wax ka qabshada dhibaatada Xuutiyiinut ee badda cas.
Iyada oo mid ka mid ah marinnada Maraakiibta ugu mihiimsan adduunka ay go’doomiyeen Kooxda Xuutiyiinta Yaman ayaa Sir Gavin Williamson iyo Sir Michael Ellis ay ku boorriyeen labada maamul ee Joe Biden iyo Rishi Sunak inay aqoonsadaan Somaliland oo ku taalla goobta Istaraatijiga ah ee gacanka Cadmeed.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska Diblomaasiyadeed ee Washington lagaga doonayo inay raacdo dariiqa boqortoyada Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland oo ah dal hore u ahaan jiray maxmiyad xornimada ka qaadata dawladda Ingiriiska sannadkii 1960kii.
Toddobaadkan xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo la hor dhigay arrinta aqoonsiga Somaliland ayaa xusay inuu aad ula dhacsan yahay aqoonsi rasmi ah oo Somaliland la siiyo.
Geesta kale Sir Gavin Williamson ayaa u sheegay warbaahinta Express.co.uk in caalamku hadda u soo jeedsanayo meeqaanka ay caalamka kag jirto Somaliland.
Dawladihii hore ee Maraykanka qorshaha uguma ay jirin siyaasadda geeska Afrika, balse iyada oo marin badeed oo caalami ah hadda halis ku jiro waxa loo baahan yahay in madaxweyne Biden wax ka beddelo go’aankaa hore, sida lagu sheegay warbaahinta aadka u saamaynta badan ee the Hill ee fadhigeedu yahay magaalada Washington. Eliot Wilson oo maqaalkan uu Somaliland ugu hiilinayo qoray ayaa sidoo kale ku boorriyay dawladaha Maraykanka inay aqoonsadaan dawladnimada Somaliland.
Wilson waxa uu intaa ku daray in Biden u baahan yahay inuu xaqiijiyo aqoonsiga Somaliland ka hor inta aanu Donald Trump ku guulaysan aqalk cad oo aanu wax ka bedelin siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka ee ku wajahan xiisadda badda cas.
Geesta kale Sir Gavin Williamson, oo tan markii uu ahaa xoghayaha gaashaanshigga u ololaynayay in la aqoonsado Somaliland ayaa sheegay in dhwaanahan Maraykanku garwaaqsanayo muhiimadda Istraatijiyadeed ee Somaliland iyo doorka laf-dhabarta ah ee ay ka qaadan karaan xiisadda gobolka. Waxa muhiim ah in Maraykanka iyo Uk si dhakhso ah ugu tallaabsadaan inay aqoonsadaan Somaliland si ay innoogu noqdaan XUlafo inagala shaqaysa sidii nabd iyo deganaansho loogu dabbaali lahaa badda cas iyo meelo kaleba.
Sidoo kale Sir Michael Ellis ayaa sharraxay sababaha kale ee khasbaya in Somaliland aqoonsi loo fidiyo xiiligan.
Waxa uu yidhi Somaliland waxa ay ahayd Maxmiyad Ingiriis, iyada oo noqotay dalkii 17aad ee Afrikaan ah ee la siiyo xornimo buuxda sannadkii 1960kii 26 June, balse maalmo ka dib ku la midowday Somalia.
Siday doontaba ha noqotee, kaddib sannaddo badan oo cadaadis siyaasadeed iyo mid bulsheed ba ah, Somaliland waxa ay la soo noqotay madax-bannaanideedii sannadkii 1991kii iyada oo adeegsanaysa xuduudeheedii asalka ahaa ee hore ee wakhtigii Maxmiyadda.
Geesta kale, adduunayda oo dhammi waxa ay arkaysaa in Somaliland leedahay dawlad shaqaynaysa oo Dimuqraaddi ah, halka Somalia ay la daalaadhacaysay dagaallo sokeeye iyada oo lagu tilmaamo dal fashilmay. Shaxda ay soo saartay Hay’adda Freedom house, ayaa waxa ay dhigaysaa in Soomaaliya tahay dalka ugu hooseeya addunka dhanka dawladnimada iyo Dimuqraaddiyadda, waxaanay hoy u noqotay Budhcad badeed iyo sida warbixinaha qaar sheegayaan Xuutiyiinta.
Xigasho:Somaliland news Agency
Bandhige@gmail.com