Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska Boris Johnson ayaa laga soo duubay weedho kicin kara buuq diblomaasiyadeed kadib markii cajalad xalay la sii daayey uu ku sheegay in Sucuudigu u adeegsado diinta sidii uu ugu gaadhi lahaa danihiisa siyaasadeed kolba sida uu isagu doonana uu dadka ugu fasiro diinta. Boris Johnson wuxu sheegay in Sucuudiga iyo Iiraan ay caqabad ku yihiin degenaanshaha bariga dhexe iyadoo uu dhex maro dagaalo dadban ama waxa uu ugu yeedhay “proxy wars” kuwaas oo ka socda waddamo kuwooda aan ahayn.
“Bariga dhexe ma jiro hoggaan aragti dheer oo ka gudbi kara firqadaha Sunniga iyo Shiicada. Ma jiro hoggaan isku keeni kara Sunniga iyo Shiicada. Iiraan iyo Sucuudiga mid waliba wuxu diinta u adeegsanayaa sidii uu danihiisa gaarka ah u gaadhi lahaa. Taasi waxay caqabad ku tahay in Bariga Dhexe xasilo.”
Xoghayaha Arrimaha Dibeddu waxa weedhihiisaas la baahiyey kadib markii shalay uun ay haweenayda Ra’iisal-Wasaaraha u ah Ingiriiska Theresa May ka qayb gashay shirka Ururka Dawladaha Khaliidka ee loo yaqaan “GCC” iyadoo la qaadatay casho-sharaf haddalna u jeedisay.
Xafiika Arrimaha Dibedda Ingiriiska oo war ka soo saaray ammuurtan ayaa sheegay in Ingiriisku mar walba barbar taagan yahay sidii uu Sucuudigu xadkiisa iyo amnigiisa u sugi lahaa taasina ay tahay siyaasadda rasmiga ah ee Ingiriiska. Xafiisku wuxu intaa ku daray in Boris Johnson laftiisu aaminsan yahay in Sucuudigu xuduudihiisu ay amni ahaan sugnaadaan.
Xukuumadda Sucuudiga ayaan weli wax war ah ka soo saarin, laakiin waxa la filayaa in ay aad uga cadhooto.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
Bandhige News
Bandhige@gmail.com