Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka: Shaqadan maan doonayn, xaaskayga ayaa igu qancisay

 

Wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa saaka daabacay warbixin xiiso leh oo ku saabsan Rex Tillerson, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Xoghaye Tilleson oo muddo dheer madax ka soo ahaa shirkadda ugu weyn shidaalka ee ExxonMobil ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka kadib markii si lama-filaan ah loogu doortay Madaxweynaha Maraykanka.

Tillerson ayaa sheegay in aanu waligii ku fikirin in uu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka isla markaana aanu isagu shaqadan doona laakiin markii Trump Madaxweynaha noqday loogu yeedhay guriga la yidhaa Trump Tower ee New York halkaas oo uu Trump magacaabista ku samayn jiray intii aanu si rasmi ah ula wareegin xilka madaxweynenimo.

Tillerson ayaa sheegay in markii loo yeedhay loo sheegay in arrimo la xidhiidha shidaalka iyo caalamka uu madaxweynuhu kala sheekaysanayo hase yeeshee markii dambe Trump u sheegay in uu la rabo in uu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Marykanka.

Tillerson ayaa sheegay uu u sheegay madaxweynaha in aanu ku talo galin in uu xilkan qabto, 40 sanno oo uu ExxonMobil ka shaqaynayey kadibna uu go’aansaday in uu iska nasto iskalana sheekaysto carruurta uu awowga u yahay.

Haseyeeshee markii uu ku laabtay gobolkiisa Taxas ee uu arrinkii uga warramay ay ku adkaysay in uu xilkaa aqbalo.

“Xaaskayga Renda St Clair gacanteeda ayay wajigayga xoog ugu xadaadisay. Waxayna igu tidhi shaqadan ayuu Ilaahay kuugu talo galay, waanad ku soo baxaysaa ee aqbal.”.

Haatan oo aan laba bilood xilkan hayo, waxan ogaaday in ay xaaskaygu iga saxsanayd oo ay shaqadani tahay tii la iigu talo-galay.

Haseyeeshee dad badan ayaan ku raacsanayn Tillerson iyo xaaskiina in uu yahay qofkii shaqadan ugu habboonaa. Go’aano waaweyn oo la xidhiidha siyaasadda Arrimaha Dibedda oo Donald Trump uu qaatay ayaan laga wargelin Tillerson, waxaana ka mid ah kii 7 dal oo Muslimiin ah lagaga joojiyey in ay yimaadaan Maraykanka.

Sidoo kale Tillerson toddobadyadii ugu horreeyey ee xilkiisa lamuu kulmin saxaafadda, safarradiisii uu Aasiya ku tagayna saxaafadda lama uu kulmin. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in uu sidaas u yeelay in isaga oo ujeeddadiisu tahay in uu tashiilo dhaqaalaha Maraykanka isla markaana kaxaysto diyaarad ka yar kuwii ay ku safri jireen Xoghayeyaashii isaga ka horreeyey.

Tillerson wuxu jabiyey dhaqan muddo dheer soo jiray oo ahaa in saxaafaddu ay ahaato qayb ka mid ah shaqada xoghayaha Maraykanka iyagoo u raaci jiray meel kasta oo uu tago. Ilaa hadda wuxu ku adkaysanayaa in uu saxaafadda la hadlayo oo kali ah marka ay jiraan farriimo sugan oo uu doonayo in uu dunida u gudbiyo.

Kuwa ka soo horjeedaa waxa kale oo ay ku dhalliilayaan in uu ka hadli waayey Madaxweynaha Maraykanka oo miisaaniyaddii wasaaraddiisa marka saddex qaybood loo qaybiyo qayb ahaan meesha ka saaraya taas oo xataa ay ka soo horjeedsadeen xubnaha Jamhuuriga ugu jira Kongareeska kuwaas oo aamisan in ay taasi curyaamin doonto shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Maalmahan u dambeeyeyna waxa buuq badani ka taagan yahay Tillerson oo ka dhacaya in uu ka qayb-galo shirkii koowaad ee wasiirrada arrimaha dibedda ee NATO ay qabsanayaan tan iyo intii Trump loo doortay madaxweynenimada.

Si kastaba ha ahaatee, Tillerson iyo Trump waa laba nin oo ka dhaqan duwan labadii qof ee kuraastan uga horreyey, dhawaan ayaanay soo bixi doontaa waxqabadkoodu in uu kuwii hore ka sarreeyo iyo in uu ka hooseeyo.

Bandhige@gmail.com