Xoghayaha Cadaalada ee Xisbiga Waddani waxa uu shaaca ka qaaday in saldhiiga dhexe lagu jidh dilay Muniir Axmed Cigaal

Xogahayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee  Waddani Barkad Jaamac Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay ciidanka bilaysku ku jidh-deen Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga Waddani,kaas oo maalintii sadexaad halkaas ku xidhan,waxaanu sheegay in loo diiday in ay ehelkiisu ku bookhaadn xabsiga.

Barkhad Jaamac Xirsi oo  maanta war-baahinta kula haddlay xarrunta guud ee Xisbiga Waddani ayaa sheegay  in siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo tan iyo malintii khamiisti ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa loogu geystay gudaha saldhiga jidh-dil arxandarro ah,waxaanu xusay in xataa ay nabaro ku yaalaan korkiisa, isago oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Muniir Maalintii khamiista ilaa iminka wuxuu xidhayahay  muddo saddex cisho sanka la gelaysaa, distoorkuna wuxuu sheegayaa 24-tan sacadood guddahood  waa in qofka xorriyad laga qaaday lagu horgeeyaa, lamana horgayn cid haysatana la garan maayo.”

Xoghayaha oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegayn in xabisiga lagu jidh-dilay siyaasi muniir,isagoo xusaay in la garaacay oo ay nabaro ku yalaan waxaanu yidhi:

“Muniir dadka xog-ogaalka ah ee u tegay ma soo arkay waxay sheegeen  in jidh-dil loogu dhexgeystay jeelka oo ay nabaro ku yaalaan oo tacadi fool xun lagula kacay,isagoo xorriyadisii qof-nimo laga qaaday qol ka gaar ah oo kuwa argagixisada lagu xidho ayaa lagu xidhay.”

Xogyaha Cadaalada ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac ayaa ugu danbayntii sheegay in ehelada siyaasigan xidhan loo diiday in ay xabsiga ku booqdaan, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Muniir Aabihii iyo waalidkii iyo cidii ugu dhaweyd waa loo diiday in ay bookhdaan,saaka cuqaal  iyo madax-dhaqameed  uu caaqil Rashiid Jaambiir hoggaaminayo  ayaa u tegay Taliayaha Bilayska ee saldhiga dhexe,waxaanu  u sheegay in aan la siidaynayn loona ogolayn in ay galaan.”

bandhige@gmail.com