Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay shirka amniga ee Munich Jimcihii in nidaamka caalamiga ah ee wakhtigan aanu u adeegayn dadka balse ay malaayiin qof ay ku dhibtoonayaan oo ay bixinayaan “qiimo aad u xun.”
“Maanta waxaan aragnaa waddamo sameynaya wax kasta oo ay rabaan, iyada oo aan la la xisaabtamin,” Antonio Guterres ayaa u sheegay shirka sanadlaha ah ee caqabadaha amniga caalamiga ah ee cadaadiska ah.
Wuxuu sheegay in haddii dalalku ay gutaan waajibaadkooda ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, “qof kasta oo dhulka ku nool uu ku noolaanayo nabad iyo sharaf.”
“Dhibaatada jirta ayaa ah in dowlado badan ay iska indha tireen ballanqaadyadan,” ayuu yidhi.
Dagaalkii Gaza
Dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ku dhex maray Marinka Gaza, Guterres waxa uu sheegay in aanay jirin wax cudur daar u noqon kara weerarkii argagixisanimo ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar, lamana aqbalayo jawaabta milatari ee Israa’iil iyo “ciqaabta wadarta ah” ee dadka reer Falastiin.
“Xaaladda Gaza waa arrin naxdin leh oo is mari waa ku abuurtay cilaaqaadka caalamiga ah,” Guterres ayaa yidhi. “Heerka dhimashada iyo burburka laftiisa ayaa naxdin leh. Dagaalku wuxuu sidoo kale ku faafayaa xuduudaha gobolka oo dhan wuxuuna saameeyey ganacsiga caalamiga ah.”
Wasaaradda caafimaadka Gaza ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ku dhawaad 29,000 oo falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka militari ee ka dib markii 1,200 oo qof lagu dilay gudaha Israa’iil weerarradii 7-dii October.
Waxa uu ku celceliyay walaaca caalamiga ah ee ku aadan in Israel ay qorsheyneyso duullaan ballaadhan oo dhanka dhulka ah oo ay ku qaado koonfurta Gaza ee magaalada Rafah, taas oo gabaad u ah Falastiiniyiinta ka soo cararaya, isla markaana ah xarunta howlgalka gargaarka bini’aadantinimo.
“Weerar dhan walba ah oo lagu qaaday magaalada wuxuu dhaawac u geysan doonaa 1.5 milyan oo rayid ah oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo mar horeba qarka u saarnaa badbaadada,” madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka digay.
Dagaalka Ukraine
24-ka Febraayo duulaankii sharci darada ahaa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine wuxuu gelayaa laba sanno. Dagaalkaa ayaa sababay in 6 milyan oo reer Ukraine ah inay badbaado u raadsadaan dalal kale, halka 14.6 milyan oo qof oo ku sugan gudaha dalkaas ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.
“Laba sano ka dib, qiimaha nolosha bini’aadamka iyo silica dadka ayaa ah mid aad u xun oo saameeyey dhaqaalaha adduunka oo si gaar ah u saameeyay wadamada soo koraya,” ayuu yidhi.Guterres
Dagaalku waxa uu dhaliyay sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka kaas oo ku dhuftay waddamada saboolka ah ee aan weli dhaqaale ahaan ka soo kaban masiibada COVID-19.
“Waxaan si ba’an ugu baahannahay nabad waarta oo Ukraine ah, oo Ruushka ah iyo adduunkaba,” ayuu yidhi xoghayaha guud, “nabadda waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.”
Colaado iyo dhibaatooyin kale
Guterres ayaa sidoo kale ku booriyay quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka inay ku cadaadiyaan dhinacyada ku lugta leh iska horimaadyada Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya inay ka xaajoodaan nabadda.
Marka laga soo tago iska horimaadyada hadda jira, ayuu yidhi, beesha caalamku waxay u baahan tahay inay xoojiso nabada iyo qaab dhismeedka amniga caalamiga ah si ay si wanaagsan uga hortagto khataraha iyo caqabadaha jira.
“Kuwa qoray Axdiga Qaramada Midoobay kamay fikirin xiisadda cimilada, sirdoonka macmalka ah ama hubka internetka,” ayuu yidhi.
Guterres ayaa sidoo kale ku cadaadiyay in dib u habeyn lagu sameeyo qaab dhismeedka maaliyadeed ee caalamiga ah, isaga oo sheegay in ay tahay mid wakhtigeedu aad u xun yahay, aan shaqaynayn wakhtigan, cadaalad darro ah, dalalka ugu saboolsan adduunkana guuldaro u ah.
“Amaahda lagu keeyahay ayaa ka badan adeegga waxay helayaan marka la eego kharashaadkooda dadweynaha ee caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha”, isaga oo sheegay in aanay jirin deyn cafin ku ool ah.
“Dhammaan waxani waa xaalad degdeg ah oo horumarineed oo saameyn qoto dheer ku leh amniga caalamka,” ayuu yidhi.
Waxa uu ku booriyay in la kordhiyo waxqabadka cimilada, isaga oo ku celceliyay baaqiisa ah in si tartiib tartiib ah loo joojiyo shidaalka.
Guterres ayaa qorsheynaya in uu qabto “Shirka Mustaqbalka” bisha Sebtembar oo uu ka socdo shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo ujeedadiisu tahay in la dejiyo waddo loo maro qaar ka mid ah arrimahan.
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com