Xogta Dahsoon: Waa kuma khabiirkii dhowaan joojiyey weerarkii Electroniga ahaa

 

Waxaa la ogaaday in khabiirkii joojiyey weerarkii electronikada ahaa ee dhowaan boqolaalka dawladdood lala beegsaday in uu ahaa Marcus Hutchins oo ahaa arday hore looga caydhiyey waxbarashada markii lagu eedeeyey falal dhanka Hackers-ka ah ama budhcada internet-ka ah, waxana uu gaadhi kari waayey inuu helo shahaadada Dugsiga sare ee macluumaadka tiknoolajiyadda.

Marcus Hutchins oo u dhashay dalka Ingiriiska waxa uu khatar ku dhici lahayd ka hor joogsaday ugu yaraan 100 kun oo Computer oo daafaha caalamka kala yaallay, isagoo muddo 72 saacadood ah la dagaalamayey Virus-kii lagu soo qaaday weerarka, waxana uu xiligan ka shaqeeyaa xarunta amniga Internet-ka ee Wadaniga ah, isagoo sheegay in aanu doonayn in uu xiligan ka tago shaqadiisa uu ka hayo shirkada  Kryptos Logic” oo xarunteeda guud tahay Dalka maraykanka.

Khabiirkan dhallinyarada ahi waxa uu sheegay in inkastoo uu guul weyn gaadhay haddana ay xiligan ku soo korodhay werwer dhanka ammaankiisa ah, isagoo ka baqaya in ay kooxaha budhcadda Internet-ku ka aar goostaan, gaar ahaan xiligan oo warbaahintu soo bandhigtay magaciisa iyo meesha uu ku nool yahay ama ka shaqo galo.

Xigasho: Xogtadunida.com

bandhige@gmail.com