Qoraal farriin adag xambaarsanย oo cawaysinkii ka soo baxay xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in diblomaasi sare oo ka tirsan xukuumadda Ingiriisku uu shaaciyey in xukuumaddiisu go’aamisay in aanay Somaliland ku casuumin shirka qaadhaan-bixiyeyaasha Soomaaliya ee uu uu bisha May ku qabanayo London sababtoo ah Somaliland ayaa doorashooyinkii dhawr jeer dib u dhigtay.
Ku-xigeenka Safiirka Ingiriiskaย Ambassador Andrew Allen ayaa maanta saxaafadda Somaliland u sheegay in xukuumadda Ingiriiska ay u qorshaysnayd in shirka London lagu casuumo Somaliland maadaama lagu qoondaynayo dhaqaalaha ay xukuumadda Ingiriisku bixinayso afarta sanno ee soo socda laakiin ay taasi meesha ka baxday kadib markii ay Somaliland marar door ah dib u dhigtay doorashada.
“Somaliland kuma casuumayno shirka sababtoo ah doorashadii ayay dib u dhigeen mana dhacayso ilaa November. Waxaanu doonaynay in aanu dawladda cusub ku casuuno laakiin kuma casuumi karno shirka maamulka hadda talada haya” ayuu yidhi Andrew.
Safiir-ku-xigeenka ayaa sheegay in dalkiisu fahansan yahay dhibaatada ka dhalatay abaaraha laakiin wuxu sheegay in dib-u-dhigistii hadda la sameeyey ay ahayd tii ugu dambaysay laakiin marar badan oo hore dib loo dhigay doorashada iyadoo doorashadii baarlamaankana dib loo riixay ilaa 2019 taas oo xildhibaannada Golaha Wakiilladu ee kursiga ku fadhiyaan in ka badan toban sanno ay muddo dheeraad ah sii joogi doonaan.
Allen wuxu sheegay in uu sidoo kale xukuumadda kala hadlay walaaca ay xukuumadda Ingiriisku ka qabto nabaad-guurka lagu sameeyey xorriyadda hadalka iyo xorriyada ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay shirar qabsadaan.
Sida ay sheegtay Xarunta Xuquuda Aadamaha (Human Rights Center) oo ah urur madax bannaan waxa sannadkan lagu xidhay Somaliland 26 suxufi. In kastoo tiradani wax yar ka yar tahay tiradii suxufiyiinta ee sannadkii hore la xidhay haddana waxa wali socda xadhiga loo gaysanayo saxaafadda.
Safiir-ku-xigeenku wuxu sidoo kale sheegay in Xukuumadda Ingiriisku ay ka walaacsan tahay madmadowga ku jira saldhigga milatari ee Imaaraadka iyadoo xubnihii koobnaa ee ka masuulka ahaa dib-u-dhaca doorashadu ay sidoo kale masuul ka yihiin heshiiskan uu Imaaraadku saldhigga kaga samaysanayo Somaliland. Waxay ahayd in dadka si furan loogu sharxo heshiiska loona sheego faa’iidooyinka iyo khataraha uu saldhiggaasi la iman karo.
Khataraha Somaliland uga iman karta saldhigga Imaaraadka waxa ka mid ah iyadoo argagixisadu bar-tilmaameedsan karto Somaliland iyo isku-dhac ku iman kara Somaliland iyo waddamada jaarka ah sida Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.
Allen ayaa sheegay in xubnaha reer Somaliland ee ka tirsan maamulka ee haysta baasaboorrada Ingiriiska ay dacwad-oogeyaasha ingiriisku ku soo oogi karaan dacwado la xidhiidha laaluush haddii lagu helo in ay si sharci-darro ah lacago u qaateen iyadoo laga baqayo in xubno koobani ay awooddii ay xukuumadda ku lahaayeen u adeegsanayaan in ay dhaqaale badan ku urursadaan kuna kaydsadaan waddamo shisheeye.
Alan oo Safiir-ku-xigeen ka ah safaaradda Ingiriiska ee fadhigeedu yahay Muqdisho isla markaana ka masuul ah xidhiidhka Somaliland ayaa sheegay in uu walaaca xukuumadda Ingiriiska la wadaagay masuuliyiin sare oo Somaliland ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Haseyeeshee xukuumadda Somaliland ayaa sida ay u badan tahay aan aqbasheen in ay shirka Soomaaliya loogu qabanayo Ingiriiska bisha May ka qayb-gasho iyadoo horeba uga diiday Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska David Cameroon oo horey Siilaanyo si toos ah ugu casuumay shir kan la mid ah oo 2012-kii lagu qabtay London iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas u caddeeyey in Somaliland ay tahay dal aan Soomaaliya ka tirsanayn oo madax banaan sida kali ah ee ay uga qayb-gali kartaana ay tahay iyadoo loogu casuumo sidii dal madax bannaan.
Warkan oo dhammaystiran oo af-Ingiriisi ah hoos ka akhriso:
http://bandhige.com/uk-excludes-somaliland-from-donor-meeting-over-postponed-elections/