Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubka gacanta u galay maleeshiyo beeleedka degmada Caabudwaaq ee dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in qaadistii cunaqabataynta hubka Soomaaliya aanay ahayn goโaan sax ah.
Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in saddexdii billood ee la soo dhaafay ay kooxda Al Shabaab dowlada ka qabsatay hub tiro badan.
โDhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ahโ ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalku waxa kale oo lagu sheegay in xaalada hada soo cusboonaatay ay tahay mid digniin u diraysa wadamada jaarka la ah Soomaaliya, isla markaana ay muujinayso in goโaankii cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya aanu ahayn mid xikmad ku dhisan.
Gaba-gabadii waxay Somaliland beesha caalamka ugu baaqaysa in dib-u-qiimayn lagu sameeyo cunaqabataynta hubka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase kale ayaa lagu yidhi qoraalka.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com